Kulan dhexmaray Wasiirka Cadaaladda iyo Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Ururka Qareenada Somaliland

0
893

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddida qaban-qaabada Shirweynaha Ururka qareenada Somaliland ee SOLLA, hoggaankii hore ee ururka qareenadda iyo xubnaha murrashaxiinta hoggaanka cusub ee ururka qareenadda Jamhuuriyadda Somaliland oo doorashadoodu qabsoomi doonto 27 illaa 28 bishan aynu ku jirno ee July.

Ugu horrayntii waxa kulanka ka hadlay guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirweynaha ururka qareenadda Somaliland isaga oo wasiirka warbixin dhammaystiran ka siiyay halka ay marayso qaban-qaabada shirkoodu.

Dhankooda waxa iyaguna kulanka ka hadlay xubnaha murrashaxiinta hoggaanka cusub ee ururka qareenadda Somaliland iyaguna sheegay inay kalsooni buuxda ku qabaan guddida qaban-qaabada Ururka qareenada Somaliland ee SOLLA.

Waxa isaguna dhankiisa kulankan hadal ka jeediyay agaasimaha guud ee wasaaradda caddaalada Somaliland Maxamed Cabdi Xaashi, waxaanu kula dardaarmay guddida qaban-qaabada inay si daacad u qabtaan doorashada una cadaalad sameeyaan murrashaxiinta, dhanka kalena waxa uu murrashaxiinta u jeediyay inay si qurux badan u tartamaan.

Gaba-gabadii Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis oo kulanka soo xidhay, ayaa dardaaran dheer u jeediyay xubnaha guddida qaban-qaabada iyo murrashaxiinta hoggaanka ururka qareenada.

Waxana uu ku adkeeyey inay isku duubnaadaan, kana dheeraadaan wax kasta oo dhexdooda khilaaf gelin kara, waxaanu guddida qaban-qaabada ujeediyay inay si qurux badan oo ay ku jirto kalsoonida murrashaxiintu ay u qabtaan doorashada, kuna qabtaan wakhtiga loo muddeeyay qabsoomida doorashada, sidoo kale waxa uu murrashaxiinta faray inay muujiyaan kalsooni iyo niyad wanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here