Kooxo Mutadawaciinta Ololaha Xisbiga KULMIYE ah oo la Bogaadiyey + SAWIRRO

0
1369

Hargeysa, (HargeisaPress) — Kooxo ka tirsan mutadawaciinta xisbiga KULMIYE ee ka shaqeeya ololaha doorashada madaxtinimada dalka ee horraanta bisha November qabsoomi doonta, ayaa lagu bogaadiyey hawlaha shaqo ee ay hayaan.

Barmaamij loogu magac-daray ‘Waxqabadka silsiladda ololaha mutadawaciinta KULMIYE’ oo kulmiyey mutadawaciin isugu jira rag iyo dumar ka kooban muwaadiniin qurba-joog ah iyo kuwa dalka degan oo gobollada ku kala nool oo u midoobay ka shaqaynta ololaha xisbiga KULMIYE bulshada ku gaadhsiinayo qorshayaashiisa si uu u gaadho hamigiisa ah inuu mar labaad ku guulaysto xukunka dalka oo ay hoggaamintiisa qabtaan murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu soo bandhigay shaqada ay qabteen kooxdani iyo waxtarka ay yeelatay.

Xaflad lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa caawa oo ay ka qaybgaleen tiro badan oo mutadawaciinta xisbiga KULMIYE, kuna wehelinayeen masuuliyiin kala duwan oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ka mid ah xisbiga, waxa lagaga hadlay hawlaha xisbiga ee u diyaargarowga doorashada, hannaan-socodka ololaha ballaadhan ee xisbigu ka wado guud ahaan dalka iyo sida xisbigu u kasbaday quluubta inta shacabka reer Somaliland oo ah mid caddaatay.

Xubno ku hadlayey afka kooxaha iskood isugu xilqaamay ololaha xisbiga, ayaa ka xog-warramay shaqooyinka ay qabtaan, qaababka ay u fuliyaan iyo waxtarka midho-dhalka ah ee laga gaadhay ilaa hadda.

Dhinaca kale, masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin; Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel, Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse, aqoonyahan Maxamed Cali Bile, Madaxa Abaabulka Dhalinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi iyo Eng. Xuseen Ibraahim Buuni oo ka tirsan Guddiga Ololaha Maroodi-jeex, ayaa khudbado ay ka jeediyeen madasha dhammaantood ku bogaadiyey kooxahan mutadawaciinta ololaha xisbiga shaqada ay hayaan oo ay ku tilmaameen mid muhiimad wayn leh, waxaanay ku dardaareen inay halkaa ka sii wadaan ilaa xisbigu guul rasmi ah ka gaadho doorashada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here