Laascaanood (HP): Waxaa maanta si balaadhan magaaladda Laascaanood loogu soo dhaweeyay kooxda Kubbadda cagta Gaashaan (Sool star) oo ciyaar saaxiibtimo magaaladda Jig-jiga kula soo yeeshay koox ku ciyaaraysay magaca Jig-jiga.
Waxaana soo dhawaynta kooxda gaashaan Sool star oo ku ciyaarta magaca ciidamadda qaranka Somaliland ka qayb qaatay maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood iyo dadweyne aad u badan.
Kooxda Gaashaan ayaa guul ka soo hooyay ciyaartii dhex martay kooxda ku ciyaaraysay magaca magaaladda Jig-jiga, iyadoo ciyaartaasi saaxiibtinimo ka dhacday isla Jig-jiga.
Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ka qayb qaatay soo dhawaynta kooxdaasi ayaa ku amaanay guusha ay ka soo hooyeen ciyaartii ay la soo yeesheen kooxdii ku ciyaaraysay magaca Jig-jiga.
Badhasaabka ayaa u mahad celiyay hay’adda wadaniga ah ee SVO oo mujisay runtii dhirigelinta dhalintaasi ciyaartooyga ah iyo taliya ciidanka qaranka Nuux Ismaciil Taani, oo isna qarameeyay kooxda gaashaan Sool star.
Sidoo kale waxaa halkaas hadal ka jeediyay maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo ku bogaadiyay guusha ay keeneen kooxda gaashaan Sool Star.
Halkan Ka Daawo Warkaasi:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.