Komishanka Xuquuqal Iinsaanka oo Daah-furay Qorshahoodda Shanta Sanno

0
723

Hargeysa (Hargeisa Press) – Komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland, ayaa maanta magaaladda Hargeysa  ku soo bandhigay qorshahoodda shanta sanno ee soo socoda.

Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka JSL oo ka duulaya waajibaadkiisa qaran, ogsoonna muhiimadda ay leedahay in la helo qorshe cad si looga dhabeeyo ilaalinta iyo kor-u-qaadidda xuquuqda aadamaha dalka ayay soo bandhigeen qorshahoodda.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay guddoomiyaha komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka, agaasimaha komishankaasi, iyo xubnaha komishanka xuquuqda aadanaha Somaliland.

Sidoo kale, waxaa xafladaasi joogay xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka warfaafinta, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka cadaaladda, wasiirka xidhiidhka goleyaaaha, taliyaha ciidanka asluubta iyo masuuliyiin kale.

U jeedada daah-furka qorshaha shanta sanno ee soo socda ee komishanka xuquuqda aadanaha qaranka ayaa lagu sheegay in komishanku isagoo garwaaqsan himilada iyo hiigsiga qarankeenna. Kana duulaya sidii istiraatiijiyaddani u noqon lahayd mid waafaqsan qorshaha qaranka ee 3aad.

Wuxuu ku jaangooyay in uu muhiimadda siiyo sidii Komishanku uu doorkiisa uga qaadan lahaa ka dhabaynta yoolka qaranka ee ku aaddan ilaalinta iyo kor-u-qaadidda xuquuqda aadamaha dalka.


DAAWO: Khudbadii guddoomiyaha Komishanka xuquuqda aadanaha:

Daawo: Hadalkii Taliyaha Asluubta:

Daawo: Hadalkii wasiirka warfaafinta:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here