Khudradleyda Suuqa Waaheen Oo Kaalmeeya Bukaanka Cusbitalka Dhimirka Hargaysa

0
746

Hargeysa (HP): Ganacsatadda khudradda iibiya ee suuqa Waaheen ee magaaladda Hargaysa, ayaa si joogta ah ah u siiya khudradda bukaanada cusbitaalka Dhimirka  Hargaysa.

Hawshan tabarucaadka ah oo muddo todoba sanadood ah soo socotay  ayaa muhiimad weyn u leh dadka ku jira cusbitaalka Dhimirka, siday ay sheegeen maamulka cusbitaalku.

Buukannadda ku jira qaybta Dhimirka cusbitalka Hargaysa ayaa xilligan tiro ahaan ah 105 ruux. kuwaasoo 75 ay Rag yihiin, halka 30 kale-na ay Dumar yihiin.

Kuwaasoo xannaanaynta, daawadda iyo adeegyada kale ee nolosha asaasiga u ah ay ka taageerto xukuumadda Soomaaliland.

Inkastoo dhaqaalahaasi uu yahay mid aan ku filayn baahida guud ee xarunta ka jirta,  sida uu sheegay   agaasimaha waaxda Dhimirka  cubitalka Hargaysa Dr. Mustafe Xuseen Xirsi.

“Ganacstadda suuqa Waaheen waxay noo keenan Khudrada loogu iidaamayo cuntadda ay cunnaan, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa. Waana culays ay naga furteen,

Dhab ahaantiina qolo aanu ka maarmeyno ma aha, cusbitaalkan Dhimirku-na waxaa uu ka dhiman la’yahay waa bulshadda. Halka uu ka socdaa waa bulshadda”ayuu yidhi Dr. Mustafe Xuseen Xirsi, Raadiyo Ergo.

Noocyada khudradda sida Basasha, Bas-baaska, Baabashka, Tamaandhada, Barradhada, Liin-dhanaanta,  iyo waxyaalaha cuntada lagu carfiyo iyo midhaha la cuno ayuu cusbitaalka Dhimirku si joogto ah uga helaa ganacsatadda Khudaarta ee suuqa Waaheen.

Sida uu sheegay guddoomiyaha ururka Khudralayda suuqa Waaheen ee IIDAAN Cabdifaaax Axmed Muxumed,  “Wiilku marka uu subaxdii yimaado salaada hore ayuu la dhex qaadaya kadib waxaa uu soo xareynaya kaaryoon ama gaadhi gacan oo buxa oo wax waliba ay saaran yihiin.

Meel dhexe baa la isugu keenaa oo lagu habeeyaa dabadeedna waxaa dhacaysa cisbitalka ayaa u soo dira baabur qaada”.

Geesta kale tababurcaadkan ay  ganacsatada suuqa Waaheen siiyaan cusbitaalka Dhimirka Hargaysa, n wuxuu ku bilawday cabasho ahayd in baahi weyni ay ka jirto dhinaca iidaanka cuntada kala duwan ee loo kariyo dadka bukaannada Dhimirka ah ee ku jira cusbitalka Hargaysa.

Gudoomiyaha ururka khudradlaydu wuxuu sheegay in markii ay baahida jirta xaqiiqsadeen ay ku qaadatay muddo toban cisho ah in ay dadka suuqan ku ganacsatada oo kumannaan ah ay ku qanciyaan doorka ka qaateen ka jawaabidda cunto.

“Maadaama intaas oo kun dad badani ay ka ganacsadaan suuqi, waxaa ay marka noqoneysa in si fudud, lama wada gaadho suuqi, oo gabi ahaan isaga ayaan gaadhinba.

Qayb ayaaba dihin oo aanan weli imika suuqa gaadhin, in kooban ayuu ka soo buuxsaddaa oo baahidiisa uu ka daboosha, intaasi ayuu kaga soo baxaaba, sidii ugu fududeyd ee aanu arrinkaasi u qaban lahaayeen.

Wixiina ay u sii jirilahaayeen ee ay u sii waarilahaayeen waxaa ay noqotay in gaadhi gacankaasi amaa (kaaryoonkaasi) la sameeyo kaaryoonkaasi marka la sameeyana mushaharkiisi dusha la saarto” ayuu yidhi Cabdifaaax Axmed Muxumed.

Dhinaca kale dadka ku jira cusbitalka Dhimirka Hargaysa ayaa isugu jira kuwa ay eheladoodu keeneen iyo kuwo ay  boolisku ka soo aruuriyeen jidadka oo qaarkood aan eheladoodii la garayn iyo  qaar ay shaqaalaha xaruuntu keenaan, sida uu sheegay Dr. Mustafe Xuseen.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland

Xigasho: Radio Ergo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here