Khudbada Guddida Ololaha KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex ujeediyeen Taageerayaasha Xisbiga

0
556

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xubno ka mid ah Guddiga heer qaran ee Ololaha ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa maanta taageerayaasha xisbiga kala qaybgalay dhoolatuska ololaha ee fagaaraha khayriyada ee magaalada Hargeysa.

Xubnaha guddida ololaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa taageerayaasha xisbiga ee isugu soo baxay fagaaraha khayriyada u jeediyay khudbado dhinacyo badan taabanaya.

Waxaana dhamaan xubnaha guddida heer qaran ee ololaha xisbiga KULMIYE ay taageerayaasha xisbiga ug mahadceliyeen sida baaxadaleh ee ay u muujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE.

Xubnaha, ayaa waxaa ay taageerayaasha xisbiga fareen inay maalinta codaynta si hubsiimo leh codkooda ugu hiiliyaan musharaxiinta xisbiga Kulmiye iyo xisbigaba.

Waxaanay sheegeen in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisu ay ka midho dhalinayso balanqaadyadii kala duwanaa ee dhinaca walba lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here