Muqdisho (HP): Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa ku geeriyooday Qarax caawa fiidkii ka dhacay magaaladda Muqdisho.
Qaraxan oo ahaa mid xoogan oo Caawa ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Waxaana inta la xaqiijiyay qarxa ku dhintay taliyahii saldhiga booliiska degmada Waaberi Axmed Baashane, oo ku magac dheeraa Calooleey.
Iyo sidoo kale taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow Cadde Cabdi Baasid Cabdullaahi.
Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa gaadhay goobta uu qaraxa ka dhacay.
Kuwaasoo gurmad u sameyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxa.
Inkastoo ilaa hadda dawladda Soomaaliya aanay shaacin khasaaraha rasmiga ee qaraxa Caawa ayaa hadana wararka hordhaca ah waxay sheegayaan inuu jiro khasaare badan.
Maadama xiliga qaraxa uu dhacayay uu mashquul xoogan ka jiray goobta uu qaraxa ka dhacay oo u dhaw Isgoyska Dabka oo ah Isgoys aad u jaam badan inta badan.
Dhinaca kale ma jirto ilaa hadda cid sheegatay qaraxani caawa ka dhacay Muqdisho.
Hase yeeshee qaraxyadda noocan ee ka dhaca Muqdisho ay fuliyaan ururka Alshabaab.
Waa qaraxii ugu khasaaraha badnaaee Muqdisho ka dhaca inta lagu jiray bishan Ramadaan.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.