“Jabuuti kama tanaasulin tartanka Kursiga aan joogtadda ahayn ee qaramadda midoobay”…

0
662

New York (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shaaciyay in aanu weli dalkiisu ka tanaasulin tartanka uu ugu jiro kursiga aan joogtadda ahayn ee golaha amaanka ee qaramadda midoobay.

Ismaaciil Cumar Geelle, oo khudbad ka jeedinayay shirka golaha loo dhan yahay ee jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo ka dhacay magaaladda New York waxa uu sheegay in ay dalkiisu uu ku dedaalayo sidii uu kursigaasi ugu guulaysan lahaa.

Madaxweyne Geelle, ayaa u sheegay madaxdii shirka joogay in kulanka 74aad oo dhici doona bisha June ee sanadkan 2022-ka ay wadamadu ku dooran doonaan dalalka u metelaya shanta ee aan joogtadda ahayn ee golaha amaanka ee qaramadda midoobay.

Waxaanu intaas raaciyay in Jabuuti ay u sharaxan tahay kurisga Afrika oo ay Kenya kula tartami doonto.

Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ka codsaday madamadda xubnaha ka ah qaramadda midboobay in ay Jabuuti u codeeyaan.

Isagoo balan qaaday in haddii Jabuuti loo doorto kursigaasi n ay gacan weyn ka geysan doonto ilaalinta sharciga aduunka iyo horumarinta nabadda caalamka.

Hadalkan madaxweyne Geelle, ayaa meesha ka saaray tuhun soo baxay kadib kulan ay magaaladda New York ku wada yeesheen isaga iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuro Kenyatta.

Kulankaasi oo naatiijadii ka soo baxday oo aan cadayn ay ka dhex abuurtay bulshadda Jabuuti hadal hayn balaadhan, iyadoo dadka qaarkood ay qabeen fikir ah in labadda madaxweyne midkood tanaasulay.

Geesta kale dawladda Kenya ayaa codad dhan 37 kaga guulaysatay Jabuuti tartankii ururka midawga Afrika u qabtay  21-kii bishii August ee sanadkan dawladaha Jabuuti iyo Kenya ee ay ugu tartamayaan qabashadda kursiga aan joogtadda ahayn ee qaramadda midoobay.

Haseyeeshee, dawladda Jabuuti ayaa go’aansatay in aanay halkaaas kaga hadhin tartanka, isla markaana ay meesha ugu danbaysa isla gaadhi doonaan iyaga iyo Kenya.

Dhinaca kale tartankan adag ee ay dawladda jamhuuriyadda Jabuuti ugu xusul-duubayso sidii au ugu guulaysan lahayn qabashadda kursiga aan joogtadda ahayn ee golaha amaanka ee qaramadda midoobay ayaa loo arkoo in uu ka dhex muuqdo xafiiltankiisa muranka dhinaca Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaana muuqata in Jabuuti  ay khilaafka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay la safan tahay Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya lafteedu ay arrintaa ku taageersan tahay Jabuuti.

Iyadoo Soomaaliya u aragta in haddii Kenya lagaga guulaysto kursiga aan joogtadda ahayn ee qaramadda midoobay ay guul daradda Kenya faa’iido u tahay Soomaaliya.

Sidaas darteedna waxay mawqif ahaan hanashadda kursigaasi Soomaaliya si weyn u bar-bar taagan tahay dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here