Jenday Frazer oo Dowladda Mareykanka Ugu Baaqday Inay Aqoonsato Somaliland

0
2341

Washington (Hargeisa Press)- Kaaliyihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsanayd Afrika, Jenday Frazer iyo aqoon yahan u dhashay dalkaas oo la yidhaahdo Oliver Smith, ayaa warbixin wada jir ay u soo saareen ku booriyay dowladda Washington inay aqoonsato Somaliland.

Warbixintan oo ka koobnayd 11 bog, waxa daabacay Machadka Hoover oo ka tirsan Jaamacadda  Stanford University, waxana Jenday Frazer iyo khabiirkaasi ay sheegeen qulqulatooyinka ka jira Laascaanood aanay meesha ka saarayn in la aqoonsado Somaliland.

Waxayna bayaamiyeen in dalka Kosovo uu soo maray duruufo noocan oo kale ah, haddana maamulkii Madaxweyne George W. Bush uu aqoonsaday sannadkii 2008dii, islamarkaasna qaab la mid ah hannaankaas ay Mareykanku ku garwaaqsan karaan aqoonsiga Somaliland.

Waxa ay caddeeyeen in xaaladaha ka taagan waqooyiga Kosovo oo ay shacbi Seerbiyiin ahi ku diidan yihiin madax bannaanida qarameed ee dalka Kosovo, duruufo kuwaas shabahaa ay ka jiraan bariga Sool, Xukuumadda Somaliland u aragto in cidhifka bari ee ay ku taallo Laascaanood ay sabab u tahay dagaalka ka dhacay, maadaama oo Maamul Goboleedka Puntland ku sheeganayso gobolka Sool hayb qabiil.

Jenday Frazer iyo Oliver Smith, waxay sheegeen in Mareykanku masaalix badan la wadaagi karo Somaliland oo ah dal nabdoon oo dimuqraadi ah, iyadoo bogcada istaraatajiga ah ee ay ku taallaa  dhinaca ku hayso marinka baabul-mandab iyo Badda Cas.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay Somaliland la jaar tahay Jabuuti oo ay Saldhigyo Millateri ku leeyihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Faransiisku.

Dhinaca kale, waxa ay iftiimiyeen in cilaaqaad dhexmara Somaliland iyo Mareykanku uu xoojin doono in Washington danaheeda ku fidiso qaaradda Afrika.

Jenday Frazer iyo Oliver Smith, ayaa waxaa ay ku doodeen in aqoonsi Mareykanku siiyo Somaliland uu waxtar u leeyahay kaalin gelinta ganacsiga dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here