Jamaal Caydiid: “Somaliland halis ayay geli-doontaa haddii aanay waxsoo saar sameyn”

0
2243

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid oo maanta ka hadlay shirweynaha Madasha Dhaqaalaha heer qaran ee Somaliland, ayaa xukuumadda u soo jeediyey saddex Tallo oo dhaxal gal u ah inay kabdhaqayso.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa xukuumadda u soo jeediyay in ay ka war hayso tartanka dhaqaale ee ka socda dunida iyo gobolkaba.

Waxaanu faray xukuumadda in ay hoos u dhigto tacriifadaha laga qaado alaabaha, maadaama buu yidhi dal kastaa how u dhigay tacriifadihiisii.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay xukuumaddu samayso suuq gayn, isla-markaana ay alaabaha uu dalku soo saaro ama khayraadkiisa ay dibeda u iib gayso.

Waxa uu xukuumadda si wayn ugu baraarujiyey Food secury-ga oo dunida meel halis ah marayo gaar ahaan dalka Shiinaha oo uu tusaale u soo qaatay inay suuqyada dib uga iibsanayaan raashinka yaalla.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, waxa uu tilmaamay Somaliland inay halis geli doonto haddii aanay wax soo saar deg deg ah samayn.

Waxaanu halista arrintaasi ku sheegay dagaaladda ka taagan marin biyoodka Badda Cas oo xanibaya maraakiibtii alaabaha keeni jiray, korna u qaadaya qiimaha rarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here