Jabuuti oo Soo Deynaysa Muwaadin Hore Somaliland Ugu Dhiibtay

0
1845

Djibouti (Hargeisa Press)—Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay dalka ku soo celinayo muwaadin Somaliland u dhashay oo dalka Jabuuti muddo ugu xidhnaa dembi la xidhiidha argagaxiso, ka dib markii madaxda Somaliland kala xaajoodeen dhigooda Jabuuti.

Cabdillahi Sheekh Cabdiraxmaan, oo muddo 8 sannadood ku jira xabsi ku yaal dalka Jabuuti ayaa sannadkii 2014 Hargeysa looga qabtay isaga iyo dad kale eedo la xidhiidha qaraxyo dalka Jabuuti ka dhacay, balse keligii loo gudbiyey, markii dadkii la xidhna laga reebay, sida hooyadii Faadumo Ciise u sheegtay warbaahinta 15 June, 2020, “Waxaan Ahay Hooyo La Dulmiyay oo Midab Takoor Lagu Sameeyay Wiilkayguna Wuxuu Uxidhan Yahay Somaliland” ayaa haatan la sheegay in loo soo wareejin doono dalka, si muddada xukunkiisa ka hadhay ugu dhamaysto, sida ilo- xog-ogaal ah u sheegeen Warg Dawan.

Talaabada Somaliland ee la soo wareegida muwaadinka ayaa la sheegay inay ka dambaysay, ka dib markii Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Jano-gale) uu wada xaajood kala yeeshay madaxda dalka Jabuuti, gaar ahaan Taliyaha Booliiska Jabuuti Kornayl Cabdillahi Cabdi Faarax, oo dhowaan kulan ku dhexmaray dalka Jabuuti.

Dowladdaha Somaliland iyo Jabuuti ayaa kala saxeexday heshiis dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah aragagixisada iyo isku gudbinta dambiilayaasha maadama ay xudduud wadaagaan.

Muwaadin Cabdillahi Sheekh oo muddo ku xidhnaa Jabuuti ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi 18 June, 2020 sheegay inuu caddaaladdaro ka tirsanayo xukuumadihii hore, isla markaana arrintiisa kala hadlay madaxda Jabuuti, waxaanu yidhi.

“Waxaa jira nin muwaadina oo reer Somaliland ah oo todoba sano waddanka Jabuuti ku xidhnaa, oo arrimahaasi falalka argagixisada u xidhnaa oo ka tirsanaya caddaaladaro xukuumaddihii xukuumaddan ka horeeyay, waanu kala hadalay dowlada Jabuuti faylkiisi dib ayaa loo furayaa hadii ILLAAHEY yidhaahdo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here