Axmed Inni Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Musharaxiin U Tanaasulay

0
638

Hargaysa (HP): Xildhibaan musharax Axmed Cabdi Muuse (Axmed Ini), oo ka mid ah golaha Wakiiladda ahna musharax utaagan doorashada soo socota.
Xildhibaan Axmed Inni, ayay sidoo kale mar kale beeshu u soo xulatay inuu u tartamo xildhibaannimadda golaha Wakiiladda ee gobolka Maroodijeex.


Waxaanu maanta magaaladda Hargaysa hadhimo sharafeed ugu sameeyay laba musharax oo uga tanaasulay musharaxnimada golaha Wakiiladda.
Taasoo ka qabsoontay huteelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa.


Labadan masuul ee Axmed Inni, casuumadda u sameeyay ayaa kala ah Cabdikhadar Cilmi Cabdilaahi iyo Axmedyaasiin Muxumed Cade.
Munaasibadda hadhimo sharafeedka ah ee xildhibaan Axmed Ini u sameeyay
waxaa ka soo qayb galay xildhibaanno, siyaasiyiin, waxgarad, iyo badi haldoorka beesha uu xildhibaanku murashaxa u yahay iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye.


Waxaana hadhimo sharafeedka lagu bogaadiyay labada musharax ee dhalinyarada ah ee u tanaasulay musharax Axmed Ini.
Iyagooeegaya midnimada beesha, isla markaana aqbalay soo jeedintii waxgaradka iyo aqoon yahanka reer ee ahaa in la xaajiyo midnimada beesha iyo taageerida musharaxa la isku raacay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here