Jabuuti oo sheegtay inay Itoobiya siineyso deked iyo marin-biyood

0
5673

Djibouti (Hargeisa Press)- Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa waxaa uu sheegay in dalkiisu uu deked iyo marin-biyood ba siinayo dalka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti, ayaa sheegay in dalkiisa uu hayo qorshe xal u ah khilaafka labada dal ee ka dhashay heshiiska badda ee horaantii sanadkan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa shaaca ka qaaday in Jabuuti ay diyaar u tahay in Itoobiya ay siiso marin biyood iyo sidoo kale deked, si xiisadda loo soo afjaro, sida uu ku dooday.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in dekeddaas ay noqon doonto dekedda magaalada Tadjoura oo 100 KM u jirta xuduudka Itoobiya, isla-markaana leh waddo hore loo dhisay.

Sidoo kale, wuxuu ku dooday in hindisahan uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu la wadaagi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, inta uu socdo shir-madaxeedka Shiinaha iyo Afrika ee Beijing ka furmaya 4-ta bisha September ee sanadkan.

Hadalkan ka soo yeedhay dowladda Jabuuti, ayaa ah mid aan suurto gal ahayn oo riyo uun ah, maadaama ay Itoobiya heshiis dekedeed ay hore ula gashay dalka Somaliland.

Arrintan, ayaa imanaysa iyadoo Itoobiya ay heshiis is-faham la gashay Somaliland 1dii January 2024-ka, kaas oo dhigayey in ay ka kirayso Itoobiya 20km oo Badda ah, sidoo kalena ay Itoobiya aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.

Heshiiskaas isfaham ayey Soomaaliya ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ay Itoobiya ku farogelinayso madaxbannaanida Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, sidaas awgeedna aanay aqbali doonin. Markaa, ka dib khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa, ayaa cirka isku shareeray.

Khilaafka, oo aan weli xal laga gaadhin, ayaa sii xoogaystay, ka dib markii ay Soomaaliya laba toddobaad ka hor heshiis difaac la gashay Masar oo ay Itoobiya isku khilaafsan yihiin isticmaalka Biyaha Webiga Niilka buluugga ah.

Tallaabada ay Jabuuti qaadday, ayaa u muuqata inay uga gol-leedahay in Itoobiya ka laabato heshiiska isfaham ee ay la gashay Somaliland, sidoo kalena lagu soo afjaro khilaafkaas heshiisku sababay ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Weli ma si rasmi ah uma cadda in Jabuuti ay Dekedda Tadjourah ka kirayn doonto Itoobiya iyo inay qaab kale ugu wareejin doonto.

Inkasta oo aanay dowladda Itoobiya weli ka hadal baaqa Jabuuti ee Dekedda, haddana waxaa loo dheg-taagayaa sida ay u aqbali doonto amma u diidi doonto Addis Ababa soo jeedinta Jabuuti, maaddaama oo ay doonayso Dhul-badeed lahaansho ah iyo Saldhig Ciidan-badeed sida uu hore u sheegay Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la dhawrayaa siduu u hirgeli karo baaqa Jabuuti, kaas oo ku xidhan aqbalka Itoobiya iyo qaabka ay arrintani ku dhammaan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here