Jabuuti oo ku dedaaleysa yareynta saameynta isbedelka cimilada

0
1151

Djibouti (Hargeisa Press)- Dowladda Jabuuti, ayaa dhawaanahan wadda dadaallo xoogan oo ay kaga hortageyso saameynta isbedelka cimilada ay ku yeelatay deeegaannada dalkaasi.

Dowladda Jabuuti, ayaa shir ay kaga arrinsaneyso saameynta isbedelka cimilada u qabatay ururrada ka hawl gala wadankeeda.

Shirkan oo lagaga hadlayay sidii looga hortagi lahaa saameynta ay isbedelka cimiladu ku yeelato deegaanka iyo bulshada, waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka ee Jabuuti.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay ku dhawaad 40 urur oo ka jira Jabuuti, kuwaas oo aan dowli ahayn, isla-markaana ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Madaxdii ka socotay ururrada oo ka kala yimid dhammaanba shanta gobol ee dalka Jabuuti iyo caasimadda, ayaa ka waramay shirkan iyo waxyaabihii ay ka faa’iidaysteen.

Waxaanay sheegeen in ay shirkaasi ka kororsadeen faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin isbeddel cimilada hawada, sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah, beerista dhir badan oo lagu yaraynayo isbedelka cimilada iyo sidii looga hortegi lahaa wixii keenaya isbeddelka cimilada.

Jabuuti, ayaa waxaa ay ku dedaaleysa sidii ay u yareyn lahayd saameynta isbedelka cimilada, iyadoo la kulantay roobab mahiigaano ah, waxaana ay sababeen is bedel cimilo oo saamayn leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here