“Jabuuti iyo Soomaaliya waxay heshiis ku-yihiin inay Somaliland kala dagaalamaan horumarkeeda..”

0
6218

Hargeysa (Hargeisa Press)- Safiirkii hore ee dowladda Somaliland u fadhiyay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya, ahna Guddoomiyaha Guddiga heer qaran ee qiimeynta iyo dib u eegista Heshiiskii Is-fahan ee Somaliland iyo Itoobiya, Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ku sheegay in Jabuuti ay deked iyo marin-biyood siinayso Itoobiya.

Wasiirka arrimaha Dibedda Jabuuti, ayaa sheegay inay dowladoodu ay Itoobiya ku wareejinayso Dekedda Tadjourah, si buu yidhi xal loogu helo khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo uu ku andacooday inuu gobolka saamayn daran ku yeelan karo haddii aan la xallin.

Qorshan Jabuuti, ayuu sheegay inay timid, kadib markii Soomaaliya sidan si la mida, Itoobiya ugu soo bandhigtay sadex dekadood oo Soomaaliya ku yaala, islamarkaana Itoobiya ka codsatay in ay kala doorato, laakiinse buu yidhi ay Soomaaliya sharuud kaga dhigtay Itoobiya in ay marka hore ka hadho heshiiskii MOU ee ay la saxeexatay Somaliland bishii January 1deedii 2024kii.

Baashe Cawil oo qoraal ku baahiyay boggiisa Facebook-ga, ayaa waxaa uu soo bandhigay ujeedada dhabta ah ee ay Jabuuti iyo Soomaaliya ka leeyihiin balanqaadyada ay u samaynayaan dowladda Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in waxa qudhaata ee ay Jabuuti iyo Soomaaliya ku heshiiska ku yihiin ay tahay inay Somaliland kala dagaalamaan horumarkeeda.

Danjire Baashe, ayaa waxaa uu baaq culus u diray xisbiyada mucaaradka iyo muxaafidka ee Somaliland, isagoona ugu baaqay inay u midoobaan sidii loo difaaci lahaa jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.

Shacabka Somaliland, ayuu sheegay inay maanta la gudboon tahay inay aragti mida ka yeeshaan Qaranimada Somaliland iyo Difaacisteeda iyo heshiis qaranimo.

Hoos ka akhriso qoraalka

‘’WAA GABAL DHACOODII, SOMALILAND NA WAA GU’GEEDII’’

Hawada  Anigaa leh

Badda na  Anigaa leh

Dekeddana Anigaa leh

Mudanayaal iyo Marwooyin, Shacabkaygii Somaliland, Sida aad warbaahinta Madaxa banaan ka daawadateen in Wasiirka Arimaha Dibadda Ee Dawladii Djibouti Mohamed Ali Yousef uu sheegay in Dawlada Djibouti diyaar u tahay in Dekedda Tajura port Djibouti oo 100 km u jirta Addis Ethiopia, diyaar u yihiin in ay Dawlada Ethiopia si buuxda maamulkeeda ula wareegto!

Waxa arintani timid, iyada oo Dawlada Somalia sidan si la mida, soo bandhigtay sadex dekadood oo somalia ku yaala, oo Dawladda Ethiopia ka codsatay in ay kala dooroto, laakiin sharuud kaga dhigtay in ay marka hore ka hadho heshiiskii MOU ee ay la saxeexatay Somaliland bishii January 1deedii 2024kii.

Bal amuurta ilaahay, haddii Dawladihii Somalia iyo Djibouti u kala dheereenayaan dekedo ay siinayaan Ethiopia, maxaa Somaliland lagu cambaareenayay? sow lama odhan karo waxa qudha ee Somalia Iyo Djibouti ku heshiis yihiin tahay in Somaliland lagala dagaalamo horumarkeeda.

Go’aamada cuni qabatanyta ee Dawlada Somalia miciinka baday, waxaan filayaa in horena aanay wax uga tarin in ay hortaagaan mashaariicdii maalgashi ee Dekedaha iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka Somaliland lagu horumarinayay.

Maantana waxa aan qabaa in aanay joojin doonin hamigii iyo hiigsagii ay lahaayeen shacabkan Somaliland.

Shacabka Somaliland ma waxa maanta la gudboon inay aragti mida ka yeelano waxa inaga dhaxeeya oo ah Qaranimada Somaliland iyo Difaacisteeda. Aan ku heshiino Qaranimo, Hana loo midoobo mucaarid iyo muxaafidba sidii loo difaaci lahaa jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.

Somaliland Ha Noolaato, Cadawgeedu Ha Dhaco.

Nin kastoo ana fooda

nin kastoo laba eef ah

ninkastoo is afuufa

anagaa ka shaneyna

Nin ragi ereygiisana

astaan buu dhigtaaye

Rabow eex ma tiraabine

aqoon haygu cadaabin

Sidaan aaminsanahayna

abkuu doono ha sheegtee

wuxuunbaa ehel ii ah

dadka kaan af aqaano

ee si wax iila arkaaya

ee ina midayso ujeedo

Abwaan Gaariye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here