Berbera (HP): Ciidamadda dawladda Maraykanka ee ku sugan dalka Jabuuti ayaa bad-baadiyay afar qof oo kalluumaysato ahaa oo reer Somaliland ah, kadib markii Doonnidii ay wateen ay ku qaraqantay Badd-weynta.
Nimankaasi kalluumaysatadda ahaa oo watay Doonni ayaa todobaad ka hor ka baxday magaaladda Berbera, si Badda uga soo kalluumaysteen. Hase yeeshee muddo sideed maalmood ah ayaa la la’aa.
Doonta kalluumaysi oo ay lahayd shirkadda Gamuur oo ay saarnaayeen afar nin oo kalluumaysato ahaa ayaa Badda ku hafatay, kadib markii uu xumaaday Mishiinkii Doonidu.
Iyadoo markii danbe ay doontaasi iyo raggii saarnaaba Dabaylo ku kaceen, taasoo aakhirkii ay Dabayluhu geeyeen xeebaha jabuuti.
Waxaana xeebaha Jabuuti kala kulmay afartaasi nin iyo Doonnida ay wateen ciidamadda Maraykanka ee degan dalka Jabuuti. Kuwaasoo soo bad-baadiyay afartii qof, halka ay Doontii dabayluhu la tegeen.
DAAWO: WARKAASI:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.