Jaamacadda Nugaal Oo Daah-furtay Kuliyad Cusub Oo Waxbarasho

0
457

Laascaanood (HP): Jaamacadda Nugaal ee magaaladda Laascaanood ayaa maanta daah-furtay kulliyadda xalinta cilaadaha iyo khilaafaadka.

Kuliyadaasi oo ay jaamacadu ku soo kordhisay kuliyadihii ay hore u bixin jirtay ayaa daah-furkeedda loo qabtay munaasibad balaadhan.

Waxaana xafladii shaacinta kuliyadaasi loo sameeyay ka soo qayb galay maamulka gobolka Sool, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Nugaal, madax dhaqameed, waxgarad iyo marti sharaf kale.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa maamulka jaamacadda Nugaal uga mahad celiyay kuliyadan cusub ee ay soo kordhiyeen.

 

Waxaanu uga mahad celiyay in ay si deg deg ah uga soo jawaabeen baaq uu todobaadkii hore u jeediyay maamulka jaamacadda Nugaal.

Kaasoo la xidhiidhay in ay kuliyadaha waxbarasho ee ay bixiyaan ay ku soo kordhiyaan kuliyadda xalinta colaadaha beelaha, isla markaana ay cilmi baadhis ku sameeyaan waxyaabaha sababa colaad beeleedyadda soo noqnoqda ee gobolka Sool.

C/qani Jiidhe, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan maanta Jaamacadda Nugaal University ka qaybgalnay daah furka kuliyadda xallinta colaadaha & khilaafaadka.

Waxaan bogaadinayaa si diirrana soo dhawaynayaa Kulliyaddan oo uu Gobolku aad ugu baahnaa”.

Geesta kale gobolka Sool ayaa la tilmaamaa inuu ka mid yahay goboladda ay mudadda qarniyo ah ka soo taagnaayeen colaadaha qabaa’ilka u dhexeeya.

Colaad beelewdyadaasi oo ilaa welina ka taagan gobolkaasi,  Sidaas darteedna waxaa la filayaa in kuliyadan cusub ee ay soo kordhisay jaamacadda Nugaal in ay arrintaasi xalkeedda wax ka qabato.

Sida uu tilmaamay badhasaabka Sool, “Xasaradaha Colaaduhu muddo qarniya ah ayay Gobolkeenna ku soo noqnoqnayeen.Mar kele waxaan u mahad cellinayaa Jaamacadda Nugaal University oo ka jawaabtay baaqii aan maalmo ka hor aan u jeediyey.

Waxaan rajaynnayaa in bulshada Gobolku ay dhab uga faa’iidaysato” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here