Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Oo Tababar U Furtay Xildhibaanadda G.Wakiiladda

0
626

Hargaysa (HP): Wasaaradda xidhiidhka goleyaaaha iyo arrimaha datsuurka ee Somaliland ayaa tababar u furtay xildhibaanadda golaha Wakiiladda.

Tababarkaasi ayaa ku saabsan barashadda dastuurka Somaliland iyo xeerarka ka farcama iyo shuruucda kale ee dalka.

Waxaana tababarkaasi si rasmi ah u furay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay furitaanka tababarkaasi ayaa sheegay in ay xildhibaanadda golaha Wakiiladda muhiimad gaara u leedahay barashadda dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa xildhibaanadda ku booriyay in ay casharadda lagu qaadanayo ka faa’iidaystaan mudadda labadda maalmood ee uu socdo.

Tababarkaasi oo maanta ka furmay xarunta golaha Wakiiladda ee magaaladda Hargaysa ayaa socon doona muddo laba maalmood ah.

Kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland oo ay wada shaqayn toos ah leeyihiin golaha wakiiladda Somaliland iyo haayadaha kale ee sharci dejinta.

Waxaana furitaanka tababarkaasi ka soo qayb galay wasiirka xidhiidhka goleyaasha, shir-guddoonka golaha Wakiiladda iyo macalimiinta tababarkaasi bixinaysa.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here