Jaalliyadda Somaliland ee Dalka Tanzania oo u dabbaal-degay Xuska 18 May

0
845

Daarasalaam (Hargeisa Press)- Jaalliyadda Somaliland ee Dalka Tanzania, ayaa ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Daarasalaam munaasibadda Xuska Maalinta Qaran ee 18 May 2025.

Waxaa ka soo qaybgalay munaasibadda xuska boqolaal ka mid ah qaybaha bulshada jaalliyadda, guddida iyo odayaasha jaalliyadda, mudanayaal ka socday golaha deegaanka Daarasalaam, mudanayaal iyo marwooyin ba, masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay goleyaasha kala duwan iyo dawladda Tanzania.

Sidoo kale, waxaa munaasibadda ka qaybgalay Suldaan Salmaan Axmed Maxamed oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, isagoona ka tagay magaalada Hargeysa, si uu uga qayb galo munaasibadda xuska 18-ka May.

Jaalliyadda Somaliland ee Tanzania, ayaa munaasibad ballaadhan oo labaad ku qaban doona magaalada Caruusha oo iyana mid ah magaalooyinka badan ee ay bulshada jaalliyadda da’da weyn ee u dhalatay Somaliland ku dhaqan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here