Jaaliyadda Somaliland ee Norway oo si ballaadhan u xustay 18-ka May

0
941

Oslo (Hargeisa Press) – Jaaliyadda Somaliland ee dalka Norway, ayaa waxaa ay iskugu yimaadeen munaasibad ballaadhan oo ay ku xusayeen 34 guurada madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May.

Munaasibadda xuska 18-ka May oo lagu qabtay Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway, ayaa waxa ka qayb-galay boqollaal ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee gobollada dalkaasi ku kala nool iyo wufuud kala duwa.

Xuska munaasibadda 18-ka May oo kulmisay qaybaha bulshada Somaliland ee dalka Norway ku nool, ayaa waxa kala qayb-galay Madax uu ka mid yahay Safiirka Somaliland Norway Ambassador Maxamed Aadan maxamuud (Liilan).

Safiirka Somaliland u jooga Norway oo khudbad dheer u jeediyey Jaaliyadda, ayaa ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay, dib u heshiisiintii beelaha, nabadayntii dalka, dib u dhiskii dalka iyo dedaallada horumarineed ee socday 34-kii sano ee u dambeeyay.

Ambassador Liilan wuxuu sheegay in maanta Somaliland meel wanaagsan tahay isla-markaana diyaar u tahay inay bulshada caalamka wax la qabsato, xaqna u leedahay inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa.

Safiirku wuxuu ka hadlay ahmiyadda ay dalka u leedahay Qaramayntii ciidamada madaniga ah ee gobollada bariga dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in Somaliland ku filan tahay difaaca dalkeeda.

Xafiiska Somaliland ee Norway, ayaa ka mid ah xafiisyada diblumaasiyadeed ee Somalilland dibedda ku leedahay kuwa ugu shaqada badan, marka la eego dedaallada ictiraaf-raadineed, abaabulka jaaliyadda Norway iyo ka qayb-qaadashada arrimaha bulshada ee gudaha dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here