Jaaliyadda Somaliland Ee Norway oo Lacag Ku Wareejiyay Guddida Suuqa Waaheen

0
754

Oslo (Hargeisa Press)- Guddida taakulaynta Suuqa Waaheen ee Somaliland, ayaa maanta lacag kala wareegay qaar ka mid ah jaaliyadaha Somaliland u dhashay ee wadanka Norway degan.

Iyadoona ay guddida taakulaynta Suuqa Waaheen ee reer Somaliland hadda u gudbeen qaybtii labaad ee goboladda dalkaasi Norway, ee qaadhaan ururinta suuqii gubtay ee Waaheen ee magaaladda Hargeysa.

Waxaanay xubno ka mid ah jaaliyadda gobolka Tanbark, ee dalka Norway lacag ay iska soo ururiyeen ku wareejiyay guddiga gurmadka taakulaynta suuqa Waaheen ee isla dalkaasi Norway.

Kulankii wareejinta lacagtaasi waxaa goob joog ka ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway, guddoomiyaha jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaasi, iyo masuuliyiin kale.

C/laahi Saleebaan Bidde, oo ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Norway oo kulankaasi ka hadlay ayaa jaaliyadda gobolka Tanbark, uga mahad celiyay lacagta ay iska soo ururiyeen jaaliyadu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here