Itoobiya oo tababar u soo xidhay Saraakiil ka tirsan Milateriga Somaliland

0
3546

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladda Itoobiya, ayaa maanta tababar ciidan u soo xidhay saraakiil ka tirsan Ciidamada Milateriga Somaliland, kuwaasi oo ka qalin-jebiyay Kulliyadda Difaaca ugu sarreysa Itoobiya.

Kulliyadda difaaca ee ugu sarreysa Itoobiya ee (Ethiopian Defence War College-DWC), ayaa tababarta heerarka istaraatiijiyadeed ee milateriga, Kulliyadu waxay si buuxda u hawlgashay Oktoobar 2019, iyada oo ah machad cilmi-baadhiseed iyo istiraatijiyadeed ee ugu horreeya heerka koowaad ee Itoobiya.

Hase yeeshee, Saraakiisha Ciidamada Somaliland ee tababarka ciidan loo soo xidhay, ayaa sidoo kale waxa ku wehelinayay Ciidamo ka tirsan Milateriga Itoobiya, oo iyaganu tababarka dhamaystay.

Munaasibada tababarka loogu soo xidhayay saraakiisha iyo ciidamada ka tirsan Somaliland iyo Itoobiya, waxaa ka qayb galay, Safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya Ambassador Aadam Geedi Qayaad oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Faysal Maxamuud Siciid iyo u qaabilsanaha Waxbarashada Safarada Somaliland ee dalka Itoobiya Abdikhalaq Maxamed Case.

Waxaa kale oo ka qayb galay Taliyaha Ciidamada Milateriga dalka Itoobiy Field Marshal Birhanu Jula, Safiirka Kenya u fadhiya dalka Itoobiya iyo madax kale duwan.

Taliyaha guud ee Ciidamada Milateriga dalka Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa ugu dambayn tababarka u soo xidhay Saraakiisha iyo Ciidamada ka tirsan Milateriga Somaliland iyo Itoobiya ee ka qalin-jebiyay Kulliyadda Difaaca Itoobiya.

Dowladda Itoobiya, ayaa waxa ay si joogta ah tobabar u siisaa Saraakiisha iyo Ciidamada Somaliland, iyada oo sannadihii la soo dhaafay ay saraakiisha iyo ciidamada Somaliland ay ka faa’iidaysteen tababbarka Itoobiya siiso.

Sida la wada ogsoon yahay labada dowladood ee Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxay kala saxeexdeen heshiis is afgarad oo taariikhi ah, kaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen wadamada caalamku.

Labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya xidhiidh taariikhi ah iyo saaxiibtinimo xooggan. Waxayna labada dal wadaagaan xudduudaha ugu dheer iyo xidhiidh adag.

Sidoo kale, labada dal waxay iska kaashadaan xuduudaha amniga, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista ganacsiga, qaybaha dhaqaalaha iyo danaha wadaagga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here