Itoobiya oo Somaliland siisay deeq waxbarasho

0
3756

Hargeysa (Hargeisa Press)- Komishanka tacliinta sare ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay 200 oo deeq waxbarasho oo dowladda Itoobiya ay u fidisay Somaliland, gaar ahaan ardayda dalka.

Deeqdan waxbarasho, ayaa la siiyay laba boqol oo arday, waxayna ka kooban tahay heerar kala duwan oo waxbarasho sida 100 arday oo shahaadada aasaasiga ah, 92 Masters iyo 8 oo ah heerka PHD.

Shuruudaha looga baahan yahay kuwa u qalma, ayaa ah in ardaydu ay haystaan ​​kaadhadhka aqoonsiga Somaliland, shahaadooyinka dugsiga sare iyo kuwa u dhigma shahaadooyinka gaarka ah iyo inay dhammeeyeen waxbarashada saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Shuruudaha looga baahan yahay ardayga doonaya inuu ka mid noqdo musharixiinta deeqaha waxbarasho ee Masters-ka, ayaa ah inuu ardaygu haysto shahaado jaamacadeed, oo uu haysto ugu yaraan GPA ee 3.00 iyo wixii ka sarreeya; Ardaygu waa inuu sidoo kale haystaa shahaadada dugsiga sare.

Shuruudaha guddida tacliinta sare ee Somaliland u dejiyeen Ardayga doonaya in uu ka mid noqdo musharixiinta u tartamaysa Shahaadada heerka 3-aad (PHD), ayaa ah in Ardaygu haysto shahaado Jaamacadeed oo ah heerka koowaad iyo labaad, sidoo kalena uu haysto 3.50 GPA. iyo wixii ka sareeya imtixaanada.

Intaa waxaa dheer, waa in ay shantii sano ee ugu dambeysay ka shaqeynayeen tacliinta sare, markaa waa in ay diyaar u yihiin inay galaan imtixaanno.

Guddida tacliinta sare ee Somaliland waxa ay ku wargelisay dhammaan ardayda danaysa deeqdan waxbarasho in qabashada araajidu bilaabanayssay 08/08/2024, kuna egtahay 28/08/2024; goobaha laga soo xareeyo codsiyada ayaa ku yaala xafiisyada ay ku leeyihiin gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here