Itoobiya oo sheegtay in Hubka Masar ku dambeyn-doono gacanta argagixisada Soomaaliya

0
3236

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladda Itoobiya, ayaa ka hadashay saanadda hubka ee ay dowladda Masar gaysay Soomaaliya, kaasi oo curyaaminaya xasiloonida mandaqada ee markii horeba ay dhibaatadu ka taagnayd.

Itoobiya, ayaa sheegtay in Hubka ay Masar gaysay Soomaaliya sii kordhin doonto ammaanka jilicsan oo ay ku dambayn doonto gacanta argagixisada Soomaaliya.

Itoobiya, ayaa waxaa ay muujisey sida ay uga walaacsan tahay in hubkaasi uu gacanta u galo kooxaha argagixisada.

Waxaa sidan sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Taye Taye, oo maanta magaalada New York ee dalka Mareykanka kula kulmay Rosemary Decarlo, oo ah ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Nabadda iyo arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Taye, ayaa ka mahad celiyay xidhiidhka wada shaqayneed ee adag ee ay Itoobiya la leedahay hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dalka Itoobiya, waxaanu xusay inay muhiim tahay in wada tashi joogto ah laga yeesho arrimaha deegaanka iyo gobolka.

Wasiirku waxa uu uga warbixiyey USG arrimaha Suudaan, isagoo si gaar ah hoosta uga xariiqay in loo baahan yahay dadaallo la isku dubarido oo nabad lagu soo dabaalo dalka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku dhuftay in Itoobiya ay u ololeyneysay sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa qalalaasaha ka taagan Suudaan.

Dhanka Soomaaliya, wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay sii wadi doonto dadaallada ay kula dagaallamayso argagixisada.

Wuxuuna carrabka ku adkeeyay in hab kasta oo ATMIS ah oo ka dambeeya la go’aansado ka dib marka la qaato wakhtiga lagama maarmaanka ah si looga tashado dhammaan dhinacyada howlgalka, oo ay ku jiraan waajibaadkeeda, baaxadda, maalgelinta iyo isku dubaridka.

Wasiirka, waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay in saanadda ciidamada shisheeye ay sii xumeeyaan ammaanka jilicsan, isla-markaana ay gacanta u galaan argagixisada.

Rosemary Decarlo, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee nabadaynta iyo arrimaha siyaasadda, ayaa dhankeeda xaqiijisay sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inay Itoobiya kala shaqeyso arrimaha nabad-dhisidda gobolka iyo kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here