Itoobiya iyo Morocco oo ka wadahadlay iskaashiga milateri

0
1432

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), Field Marshal Berhanu Jula, ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula kulmay wefdi ka socda dowladda Morocco.

Kulanka, ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka ciidan ee labada dal.

General Field Marshal Berhanu wuxuu qiray xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Morocco, isagoo sidoo kale aqoonsaday carqaladihii hore.

Waxa uu rajo ka muujiyay booqashadan oo noqon doonta isbedel, dib u soo celinta isgaadhsiinta iyo kobcinta bog cusub oo iskaashiga ciidamada.

Sarreeye Gaas Casiis, ayaa isna waxa uu bogaadiyay awoodda ciidamada Itoobiya, isagoo muujiyay waxtarka ay u leeyihiin nabad ilaalinta iyo howlgallada kale.

Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in lala shaqeeyo ciidamada Itoobiya, wuxuuna rajo ka muujiyay in doodan ay dhabaha u xaadhi doonto iskaashi hor leh oo ku saabsan nabadda iyo amniga.

Wada-hadalladan iyo is-weydaarsiyada mustaqbalka waxay ujeeddadoodu tahay in aasaas adag loo dhigo heshiis ciidan oo rasmi ah, kaas oo lagu dhisay niyadda walaaltinimada Afrika.

Kulankan, ayaa daba socda booqasho dhawaan wefdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ay ku tageen dalka Morocco.

Wefdiga Morocco, ayaa booqan doona xarumaha Itoobiya, waxaana ay booqasho rasmi ah ku sameyn doonaan inta ay joogaan, sida uu sheegay agaasimaha guud ee xidhiidhka arrimaha dibadda iyo iskaashiga milateriga ee ENDF, Major General Teshome Gemechu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here