Isu-duwihii Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Saaxil Oo Ku Eedeeyay Wasiir Cali Marreexaan Aqoon Darro Shaqada Dawladnimo Ah Madaxweynahana Baaq U Diray

0
943

Hargeysa, (HargeisaPress) — Iskuduwihii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta ee Gobolka Saaxil ee Shaqada laga fadhiisiyay Aadan Axmed Cabdi ayaa Wasiirka Hawlaha Guud ku eedeeyay inuu isaga iyo laba Masuul oo kale oo Berbera Wasaaradda uga shaqaynayay uu wasiirku shaqada uga eryay qaab aan waafaqsanayn sharciga Shaqaalaha iyo nidaamka Dalka u dejisan,waxa uu ugu baaqay Dawlada inay kala wareegto gaadhi GT ah oo xafiiska Wasaaradda ee Gobolka Saaxil leeyahay oo uu isagu gacanta ku hayo islamarkaana aanu wasiirku wali si cad ugu sheegin in Shaqada laga fadhiisiyay balse qaab inqilaab ah Xafiiskii uu Masuulka ka ahaa looga wareejiyay,loona keenay Shaqaale ku meel gaadh ah oo ku sii sima inta Wasiirku soo helayo Shaqaale ay isku reer yihiin ,waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Iskuduwihii Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka Saaxil Aadan Axmed Cabdi oo Wargeysa Foore la soo xidhiidhay Xalay ayaa waxa uu sheegay in isaga Iyo Maamulihii Waaxda Gaadiidka,Maxamed Yuusuf Cabdi,iyo sidoo kale Diwaangaliyihii Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka Saaxil Cabdi Xuseen Jaamac oo Hargeysa ku maqan uu Wasiirku Berbera u soo diray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha guud islamarkaana uu Nidaam Inqilaab oo kale ah Xilkii ay hayeen si kumeel gaadh ahna ugu sii magacaabay saddex qof oo kale,waxa uu sidoo kale fashiliyay nidaam Qabiili ah oo Wasiirku dhabarka ku hayo oo uu sheegay inuu doonayo inuu keeno Shaqaale ay isku jufo yihiin boosas badan oo mihiim ah oo wasaaradda Hawlaha guud ka mid ah,waxa uu sheegay inuu maagan yahay inuu sida uu Xafiiska Berbera u galay uu dusha kaga keeno Masuuliyiinta hadda Wasaaradda Joogta,waxa uu sidoo kale sheegay in Wasiirku durba uu Wasaaradda ku soo dhex tuuray Nin uu waalid u yahay una dhiibay booska Madaxa Shaqaalaha arintaasina sal iyo shaki ku abuurtay shaqaalihii kale ee Wasaaradda ka hawlgalayay.

 

Iskuduwe Aadan Axmed Cabdi ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Bishan horaanteedii ayuu Wasiirku noo yeedhay oo Hargeysa ayaan tagnay,waxa uu Berbera u soo diray Agaasimihii Wasaaradda Hawlaha Guud,Waxa uu ku amray inuu cid u magacaabo Iskuduwe,Maamule Iyo Diwaangaliye Xafiiska Wasaaradda ee Berbera,anaga oo saddexdayuba Hargeysa ku sugnayn oo aan waxba ka ogayn,Markii aanu maqalnay arintan ayaanu u tagnay Wasiirka oo aanu ku nidhi waadigan cid u magacaabay Boosaskayagiiye maxaad anaga nala damacday,Todoba Cisho ayuu la nahaa uun Bari ii kaalaya,waxa aanu ku nidhi waanu isku tagaynaaye Wixii aad nala damacday Naga soo daba dir,Illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay majiro,waxa kale oo aanu haynaa inuu soo wado shaqaale Cusub oo ay isku jufo hoose yihiin inuu soo wado,oo ay jidka ku soo jiraan.Anigu maalintii Ninkaasi la soo magacaabay ayaan Xamaantayda iska sii duuduubtayba,waayo waxaan ogaaa inaanu marnaba naga faro la’aanaynin ee uu wixiisii nala soo galayo”.

 

Waxa uu Aadan Axmed Cabdi ka sheekeeyay lacag yar oo Xafiiska Wasaaraddu ka qaado Gaadiidka Dekeda ka soo dega oo lagu dabaro Kharashka Xafiiskaasi oo ay maalintiiba isku qabteen Wasiirka islamarkaana uu Wasiirku diiday in Juwan lagu jaro balse sifo kale loo socod siiyo,taasi oo uu Aadan u malaynayo inuu Wasiirku qoonsaday oo uu shaqada kaga eryay,waxaanu yidhi “Maalin isaga oo ku Socda Ceerigaabo ayuu Berbera nagu soo maray,Hotel Barwaaqo isagoo ka qadaynaya ayaanu soo bariidinay,Wax kaleba isagoon nawaydiin ayaa uu nagu bilaabay Gaadiidku marka ay ka soo baxaan Dekeda ee aanu Bilaytka iyo Buugga soo siino lacag yar oo Xaqul Duco ah oo shilin Somaliland ah oo ay dadku noo gartaan,lacagtaasi oo aanu iskaga dabarno Kharashka Xafiiska laydhkiisa,Biyahiisa iyo arimo kale oo aan Wasaaradda soo gaadhin oo mihiim ah,waayo waxaanu shaqaynaa wakhti ka badan Saacadihii caadiga ahaa ee Shaqaalaha Dawlada,Habeen iyo Maalinba waanu shaqaynaa. Wasiirku wuu nagala hadlay lacagtaasi,waxa uu yidhi lacagtaasi waa la soo xeraynayaa,kala badh soo xereeya ayuu nagu yidhi,waanu diiday in Juwan lagu jaro,waxa uu noo sheegay inuu qof keensanayo Xafiiska lacagtaasi Wasiirka u ururiya bilaa juwan”.

 

Ugu Damabayn waxa uu sheegay inaan Wali Gaadhigii Xafiiska lagala wareegin oo uu isagu gacanta ku hayo taasina ay tahay Nidaam daro ka baxsan Anshaxa dawladnimada,waxaanu yidhi “Waxa fiican in qofka Wasiirka laga dhigayo ee loo dhiibayo Wasaaradda loo eego aqoonta uu u leeyahay Wasaraadaasi Shaqada ay qabato,Gaadhigii Xafiisku wali gacantayda ayuu ku jiraa oo cid i waydiisay ma jirto,waxaanan leeyahay waar Gaadhigiina igala wareega,waxaan u geeyay Badhasaabka Gobolka Saaxil oo aanu ku idhi gaadhigii iga wareeji waxa uu igu yidhi Wali warqadii shaqada lagaaga eryay imay soo gaadhin,waxaan intaa ku darayaa in Wasiirku islamaalintii u horaysay ee uu yimid Wasaaradda Hawlaha guud inuu Madaxa shaqaalaha keenay nin ay ilma abti yihiin oo Abtigii dhalay,waxa uu ku badelay Agaasihii Maamulka Shaqaalaha,waa nin aan hore xitaa shaqaaleba u ahayn oo uu dusha kaga keenay Wasaaradda,Boosaskayagiina waxa uu ku soo wadaa Dad noocaasi ah oo ay isku hayb yihiin,kuwan uu ku meelgaadh ahaanta ugeeyay imika Berbera waa rag aqoon leh oo BHD ayaa ku jira laakiin ma daynayo ee cid kale ayuu u soo wadaa waananu hubnaa arintaasi,oo ceebtii maaha ee waa caadadii” ayuu yidhi isu-duwe Aadan Axmed Cabdi.

 

 

 Wargeyska foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here