Isku Aadka Wajiga Labaad Ee Tartanka Gobolada Somaliland Oo La Soo Saaray.

0
1484

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxa la soo saaray isku aadka wareega labaad ee ciyaaraha gobolada somaliland ee ka qabsoomi doona caasimada Hargeysa.

 

Wareega labaad ee ciyaaraha gobolada oo ka qabsoomi doona magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb gali doona sideed gobol oo ka soo baxay wareegii hore ee is reeb reebka, kuwaas oo kala ah.

 

 

 

Xaysimo VS Saaxil,

Awdal VS Sanaag

Sool VS Hawd,

Gabiley VS Daad-Madheedh

Dhinaca kale Wasaarada ciyaaraha Somaliland ayaan ilaa hada ku dhawaaqin wakhtiga rasmiga ah ee ay wareega labaad ee ciyaaraha goboladu ka bilaabmayaan caasimada Hargeysa, iyada oo la rajaynayo inay dhawaan caasimada soo gaadhaan gobolada ka qayb galaya wareega labaad ee tartanka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here