Iftiiminta Araggii Goob-joogga ahaa ee Bandhigii Buugaagta Laas-caanood. Qalinkii: Akram Cabdala

0
799

Haddii aad ka maqnayd xafladdii caalamiga ahayd ee bandhigga buugaagta laascaanood, kaalay imikaba ila arag.  Iftiiminta araggii goob-joogga ahaa. Waxaynu soo gallay magaalo bilic iyo baaxad leh, waa 10 december 2019 maalin salaasa ah.

Daganaanshiyaha, amniga, jawiga xasiloon iyo dhulka barwaaqaysan, waa kuwo xasilinaya quluubta san-ku-neefle walba, waxa iyana na arka yidhi bulsho aad mooddo in loo carbiyey soo dhaweynta martida boqolaalka ah.

Waa aroor daruuro irmaan dallaalimeeyeen magaalada, waxa horteenna iyo hareereheenna fadlinaya fardo ku xasuusinaya faraskii caanka ahaa ee xiin-finiin. Qurux weynaa! dad weynaha caleemaha qoyan lulaya, mashxaradda haweenka iyo sacabka dhawaaqiisu samada marayo ayey ku raaxaysanayaan dhageheennu.

Magaalada intaa koobsatay waa Laascaanood oo ah caasimadda gobolka Sool. Hore aynu u soconno… Waxaynu kadinka ka galnay garoonka Cabdi Bile oo si weyn usoo jiidanaya indhaha aadamaha. Gudaha garoonka waxa laga sameeyey hool weyn oo si farshaxan ah loo sharraxay oo dhexdiisa si siman kuraas loo dhigay.

Qalab dhamays tiranna ku dhan yahay. Madashaa bilicdeeda waxa kor usii qaaday dhalinyar hablo iyo innamo leh oo sida faraawilka ugu heemaalan fagaarahan loo buteeyey bandhigga buugaagta.

Martidu waa abwaanno, culimo, hal-abuur, wasiirro, agaasimayaal, qurba-joog, hay’ado madax-bannaan, garaaddo, salaadiin, mas’uuliyiin, xildhibaanno, aqoonyahanno, fannaaniin, suxufiyiin iyo marti-sharaf badan.

Martidu 65% waa soomaalilaand, inta kalana waa jigjiga, puntland, muqdisho, kenya iyo xubno ka socda qaramada midoobay (UN). Dhamaan iyagoo mabsuud ah ayey si nidaam u fadhiisteen kuraasta.

ILAAHAY (SW) ayaa suura-galiyey in xafladdaasi si habsami ah u socoto muddo saddex maalmood iyo saddex habeen ah. Dadaalka ay reer laascaanood sameeyeen ka sokow, waxa 100% xusid mudan guddoomiyaha hay’adda (svo) cabdikariin siciid aw-cabdi oo si hagar-la’aan ah naf iyo maalba ugu huray, guntigana dhiisha iskaga dhigay qabsoomidda xafladda bandhiggan oo aan odhon karo waa bandhiggii ugu milgaha iyo sharafta badnaa ee ka dhaca waddanka somaliland. AlxamduliLAAH.

Madasha bilicdasan ummadda joogtay lama wada magac-dhabi karo, balse waxay dadkii meeshaa ku sugnaa si kadiso ah ugu dhex arkeen laba shakhsi oo dhegaha iyo maskaxda ummadda soomaaliyeed taariikhdoodu ka buuxdo, waa ayo? Waa (hurre walanwal iyo laantii bari ee cambaro) oo qarni hore xusuus iyo raad aan tirmayn wacdarro ka dhigay carrada nugaal. Wallee naf waliba halkeega ayey ku mabsuudday.

Waxaan xasuustay Kalmad uu abwaan Hurre Walanwal yidhi: “Hargeysa ha loo sheego in Laascaanood nabad tahay, hadday diidaanna ha loogu dhaarto”

Lixdaa caana-maal 8:00 aroornimo ilaa 9:00 caweysnimo kala go’ muu lahayn bandhiggaasi. Lama daalayn lama dakaamayn lagama xiiso go’ayn oo waxaabad moodaysay in dadku rabaan in aanay dhamaan xafladdaasi.

Maalmahan boqrani taariikhda baal dahab ah ayey ka galeen, wallee laascaanood mar kaliya ayey boqol tallaabo hore u qaadday, kun jeer waxa bogaadin mudan magaaladaa sida hufnaanta leh u marti qaadday boqollaalka qof

Dadka reer Sool waxay muujiyeen gobonnimadooda iyo xariirta dadnimadooda. Waxa layaab noqotay, kumanaankii buug ee madashaa la keenay midh muu baaqan ee waa la wada iibsaday. Alaylehe xaddaarad iyo ilbaxnimo aan qarsoomayn ayaa ka hirgalay gobolka sool.

Hal-doorkii goobtaa iskugu yimid, qof waliba si qiiraysan oo jibbo ka muuqato ayuu u burqaday. Mid gabya, mid qur’aan iyo axaadiis dareeriya, mid aqoon muujiya, mid heesa oo dhaanteeya, wallee farxad ayaa shaksi wal oo hadlay ku godladay cilmi iyo aqoonba. Layskuna baray oo kalgacal buuxa ayey martidii kala dhaqaaqday bandhiggaa.

Qoraal iyo qoraallo, Lagagama gayoon karo muuqaalkii muunadda lahaa ee lixdaa caana-maal ka hillaacayey magaalada laascaanood. Bandhiggani nasri ayuu ahaa oo bulshadii reer laascaanood wuu mideeyey, waxaad mooddaa hal qof.

Aan soo gaabiyee laascaanood xaqiiqdii horumar weyn ayey ku amba-baxday. Sooleey maanta waxaad tahay xiddigtii somaliland.

ILAAHAYOW waa mahaddaa.

Qalinkii: Akram Cabdala new darwiish.

LEAVE A REPLY