Hargaysa (HP): Haayadda arrimaha Qoxoontiga iyo Barokaceyaasha ee Somaliland ayaa iska fogaysay in ay qayb ka tahay fariimo ay maalmahan bulshadda u dirtay shirkadda Telesom.
Fariimahaasi oo ku soo dhacay macaamiisha isticmaaaha Kaadhka Telesom ayaa ka koobnaa laba fariimood.
Mida hore ayaa sheegaysay “Waxaad lacagta ka heshay dawladda Somaliland oo kaashanaysa haayadda Concern Worldwide taasoo ay maalgelisay midawga Yurub”.
Halka fariinta lanaad na ay ahayd mid raali gelin lagu siinayo macmiilka, oo ay shirkadda Telesom soo dirtay.
Haayadda qoxoontiga iyo barocakeyaasha oo dhacdadaasi ka hadashay ayaa sheegtay in aanay arrintaasi waxba kala socon.
Maadaama oo ay iyagu haayad ahaan qaabilsan yihiin wixii dhaqaale la siinayo dadka barokaceyaasha ah iyo kuwa qoxoontiga ah.
War qoraal ah oo ay haayaddu arrintaasi ka soo saartay, waxa uu u dhignaa sidan:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.