Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo la kulmay Goobjoogayaasha caalamiga ah

0
1369

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hoggaanka xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa waxaa ay maanta kulan la yeesheen goobjoogayaasha caalamiga ah ee ka socda dalka Mareykanka ee korjoogteynaya doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda ee muddaysan maalinta Arbacada ee toddobaadkan ee13ka November 2024.

Kulanka, ayaa waxaa madaxda xisbiga ku metelayay ka qaybgalkiisa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMKIYE, Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Waxaana kulanka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE ku weheliyaan Xoghayaha Guud ee Xisbiga, Faysal Cabdiraxmaan Madar iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Mareykanka, Ambassador Bashiir Good.

Kulanka, ayaa labada dhinac ku naaqisheen arrimaha qabsoomidda doorashada iyo sidii looga wada shaqayn lahaa inay u qabsoonto si wanaagsan oo guul u noqota dalka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here