Hargeysa (Hargeisa Press)- Hoggaanka ciidamada qaranka Somaliland Cabdi Cadillaahi Cabdi Dheere, ayaa waxaa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaaladii maanta iyo shalay ka dhacay aaga Qorilugud ee khasaaraha xoogan lagu gaadhsiiyay kooxaha huwanta.
Hoggaanka ciidamada Qaranka Somaliland oo warbaahinta la hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Somaliland iyo kuwa SSB ay guulo ka gaadheen dagaalkii aaga Qorilugud.
Wuxuu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland iyo kuwa SSB oo isku dhinac ahi ay jab xoogan gaadhsiiyeen Kooxaha Huwanta.
Hoggaanka, ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in u jeedada dagaalkani ay tahay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo doorashooyinka Somaliland.
Waxaa uu hoggaanku sidoo kale ku boggaadiyay ciidamada Qaranka Somaliland iyo kuwa SSB oo isku dhinac ah, guusha weyn ee ay ka gaadheen dagaalkii jabka xoogan ku gaadhsiiyeen Kooxaha huwanta ee aaga Qorilugud.