Hoggaamiyihii ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya oo lagu dilay Iran

0
1207

Tehran (Hargeisa Press)- War goor dhawayd uu baahiyaya telafishanka qaranka Iran, ayaa sheegaya, in hoggaamiyihii ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya lagu dilay Tehran, aroornimadii hore ee Arbacada maanta.

Bayaan isna ka soo baxay Xamaas, ayaa lagu xaqiijiyay in Ismaaciil Haniyah lagu dilay caasimadda Iran.

Xamaas, ayaa sidoo kale ka tacsiyaysay dilka hoggaamiyahooda, iyaga oo bayaankooda ku sheegay in Haniyah lagu dilay weerar ay ku sheegeen in Sahyuuniyadda ay ku qaadday gurigi uu ka deganaa Tehran.

“Magaca Eebe ayaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba. Hana u malayn in kuwii jidka Eebbe lagu laayay ay dhinteen. Laakiin way Noolyihiin eebahood agtiisa iyagoo Rizqi ah. Dhaqdhaqaaqa iska caabinta islaamiga ah ee Xamaas waxay baroor diiqaysaa shacabkeena wayn ee reer falastiin, umada carabta iyo islaamkaba, iyo dhamaan shucuubta xorta ah ee aduunka: walaal, hoggaamiye, shahiid, Mujaahid Ismaaciil Haniyeh. Madaxii dhaqdhaqaaqan ayaa lagu dilay weerar khiyaano ah oo Sahyuuniyadda ay ku qaadeen hoyga uu ka degan yahay magaalada Tehran, ka dib markii uu ka qeyb galay xafladii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran. Eebbaa iska leh isagaana u noqonaynaa. Waana halgan, guul ama shahiid.” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Xamaas.

Haniyah, ayaa Salaasadii shalay ka qeybgalay munaasabaddii dhaarinta madaxweynaha cusub ee Iran.

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda mas’uuliyadda dilka Ismaaciil Haniyah, hase yeeshee hore ayay Isra’il wacad ugu martay in ay dili doonto madaxda ururka Xamaas.

Ismaaciil Haniyah, oo ah hoggaamiyaha siyaasadda ee ururka Xamaas, ayaa ka tagay Marinka Gaza, sannadki 2019-kii, wixii markaasi ka danbeeyay wuxuu magangalyo ku deganaa waddanka Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here