Hoggaamiyihii Boko Haram Abubakar Shekau oo is-dilay

0
680

Lagos (Hargeisa Press) – Hoggaamiyihii kooxda Boko Haram Abubakar Shekau, ayaa is-dilay kadib dagaal uu la galay dagaal-yahanada kooxda Daacish ee Gobolka Galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo (ISWAP), sida laga ogaaday cod la duubay oo Axaddii ay wakaaladda wararka AFP ka heshay kooxda.

Dhimashadiisa, ayaa ka dhiggan is-beddel weyn oo ku yimid dagaalka 12 sano jirsaday ee Nigeria ay kula jirto jihaadiyiinta, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo qof, kuna barakaceen laba milyan oo kale oo ku nool waqooyiga bari ee dalkaas.

Boko Haram weli si rasmi ah ugama ayna hadlin dhimashada hoggaamiyaheeda, halka ciidanka Nigeria uu sheegay inuu baadhayo sheegashadan.

“Shekau wuxuu door-biday in lagu bahdilo aakhiro intii lagu bahdili lahaa dunida. Wuu is-dilay isaga oo isku xidhay walxaha qarxa,” waxaa sidaas lagu yidhi cod u eeg inuu yahay ka hoggaamiyaha ISWAP Abu Musab Al-Barnawi, oo ku hadlaya luuqadda Kanuri.

Codka oo aan lahayn taariikh, ayaa waxaa wakaaladda wararka AFP siiyay il-wareed hore fariimaha uga soo gudbin jiray kooxda.ISWAP, ayaa codka kaga hadashay sida ay dagaal-yahano ugu dirtay gabbaadka kooxda Boko Haram ee kaymaha Sambisa, halkaasi oo ay ka heleen Shekau, isaga oo dhex fadhiya gurigiisa waxayna kadib la galeen dagaal.

“Halkaas ayuu dib uga laabtay oo uu ka baxsaday, wuu cararay wuxuuna gaaf wareegayay kaymaha muddo shan maalmood ah. Si kastaba, dagaal-yahanada ayaa sii waday inay raadiyaan oo ay ugaadhsadaan kahor inta ayna helin,” ayaa lagu yidhi codka.

Kadib markii laga helay duurka, dagaal-yahanada ISWAP, ayaa ku booriyey isaga iyo kuwa taabacsan inay towbad keenaan, ayuu codka intaas ku daray, hase yeeshee Shekau wuu diiday kadibna wuu is-dilay.

Kooxda ISWAP, ayaa 2016 ka go’day kooxda Boko Haram, kadib markii ay ka soo horjeesatay beegsiga aan kala soocda laheyn ee Shekau ee Muslimiinta rayidka ah iyo u adeegsigiisa haweenka ee qaraxyada is-miidaaminta ah.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here