Hargeysa (Hargeisa Press) – Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa waxaa ay eedaymihii ugu cuslaa u jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi.
Waxaa ay Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradku Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyeen inuu faragelin ku hayo doorashada Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland.
Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa kale oo ay sheegeen in Madaxweynaha Somaliland iibsanayo xildhibaanada mucaaradka islamarkaana uu dacwaynayo iyo xildhibaanada muxaafadka ee taageera mucaaradka.
Sidoo kale, Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi ayay ku eedeeyeen in uu cashuurtii shacabka ku iibsanayo xildhibaanada mucaaradka.
Labada hoggaamiye, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu Loollankii Doorashada shirgudoonka golaha Wakiillada uu ka dhigey mid qabyaaladdeed.