Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo ku dhow heer dhaqan-gal ah

0
2448

Hargeysa (Hargeisa Press)- Heshiiskii is-fahan ee dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ku dhowyahay heer dhaqan-gal ah, inkasta oo Soomaaliya geed dheer iyo gaabanba u fuushay sidii ay uga hor imana lahayd, balse ay u suurto geli weyday.

Somaliland iyo Itoobiya, ayaa ku rajo weyn inay ku dhawaaqaan hirgalinta iyo meelmarinta heshiiskii is fahan ee labada dal dhexmaray bisha July ee fooda innagu soo haysa  bilowgeeda sida ay Saraakiil Somaliland ka tirsani u sheegeen.

Inkasta oo Soomaaliya isku dayday inay ka soo horjeedsato heshiiska, ilo wareedyo laga helayo dhanka dowladda Somaliland, ayaa qeexaya in heshiiskani uu horseedayo in Addis Ababa ay si buuxda u aqoonsato Somaliland.

Guddi farsamo oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u saaray inay soo falanqeeyaan heshiiskan is-fahan isla markaana qiimayn ku sameeyaan aaraa’da bulshada soona gudbiyaan talo bixinta ugu dambaysa ayaa soo gabagabeeyay warbixintooda.

Waxa uu sidoo kale warku intaas uu ku darayaa in warbixinta guddida aad loo majeertay.

Xubnaha guddida farsamo, ayaa booqday magaalooyinka Saylac, Berbera, iyo Lughaya, kuwaasoo ah meelaha loo badinayo ee ay suurtagalka tahay in Itoobiya ka samaysato saldhigga baddeed si ay marin ugu hesho badda cas.

Berbera oo ah dekedda ugu weyn Somaliland, ayaa la qorshaynayaa inay maamusho 90% badeecadaha ay Itoobiya la soo degayso iyo kuwa ay dhoofinayso marka heshiiska is-fahan la dhammaystiro.

Sidoo kale, waxa la qorshaynayaa waddo ganacsi oo isku xidha Berbera iyo xadka Wajaale ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, ayaa la rajaynayaa inuu wax ka beddelayo jawiga juquraafi iyo ka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, marka la eego muhiimadda uu saldhigga Ciidamada Badda ee Itoobiya uu u leeyahay amniga marinnada badda cas iyo gacanka cadmeed.

Warbixino kala duwan, ayaa lagu soo badhigay heshiisyo hore oo Mareykanka iyo Soofiyeedkuba ay ku garwaaqsadeen qiimaha istiraatijiyadeed ee Somaliland iyagoo gegida diyaaradaha ee magaalada Berbera u isticimaali jiray Saldhig Ciidan.

Waxaana lagu sheegay in heshiisyadaas taariikhiga ahi ay dhammaantoodba ka marag kacayaan kaalinta ay Somaliland ku leedahay quwadaha waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here