Hay’adda shaqaalaha oo fasax gelisay shaqaalaha dowladda

0
775

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay fasax gelisay dhamaan shaqaalaha dowlada munaasibada 26-ka June awgeed.

Bayaan uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa lagu wergeliyay dhamaan masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo hay’addaha dowliga ah, in shaqaalaha dawladdu fasax ka yihiin shaqada maalinta Arbacada ee berito munaasibada xuska 26 June.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, isagoo ku hadlaya magaca Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo guud ahaan shaqaalaha kala duwan ee qaranka, inuu munaasibada xuska maalinta xoriyadda Somaliland ee 26 June, uu hambalyo u dirayo dhamaan shaqaaleweynaha qaranka.

Guddoomiyaha, ayaana u rajeeyay shaqaale-weynaha dowladda inay sannadkan, sannadkiisa ku gaadhaan badhaadhe iyo nabadgelyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here