Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo sannadka cusub ee Islaamka awgeed fasax-gelisay shaqaalaha

0
801

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda shaqaalaha dowladda ee Somaliland, ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday inay fasax gelisay dhamaan shaqaalaha dowlada maalinta berrito ah.

Bayaan uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa lagu wergeliyay dhamaan masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo hay’addaha dowliga ah, in shaqaalaha dowladdu fasax ka yihiin shaqada maalinta Axada ee berito, Munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka ee 1446.

Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa sidoo kale munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka ugu hambalyeeyay shaqaale-weynaha qaranka Somaliland.

Waxaanu Guddoomiyuhu u rajeeyay Shaqaale-weynaha dalka in ay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan, badhaadhe iyo nabad-gelyo waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here