Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo ka arrinsatay qiimeynta miisaaniyadda hawlgabka shaqaalaha

0
533

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxda hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland, ayaa maanta waxaa ay yeesheen shirkii joogtada ahaa ee maamulka hay’adda shaqaalaha.

Kulankan, ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, waxaana ku wehelinayay Agaasimaha guud ee hay’adda Khaalid Mire Nuux.

Waxaa shirka lagu falanqeeyay warbixinta dib u eegista iyo qiimaynta adeegsiga nidaamka castiga ah ee maamulka shaqaalaha dowladda (HRMIS) iyo soo bandhigida warbixinta qiimaynta miisaaniyadda hawl-gabka shaqaalaha dowladda.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Khaalid Mire Nuux, ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimada ay leedahay joogteynta dabagalka hawl-qabadka, isagoo u mahadceliyey cidkasta oo fulisay qorshaheedii hawl qabadka, kuna qabatay muddadii loo qorsheeyay.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax oo ugu dambayn shirka soo xidhay, ayaa masuuliyiinta shirka ka soo qayb gashay kula dardaarmay sidii loo xoojin lahaa la isla-xisaabtanka iyo fulinta qodobadii la isla qaatay ee shirka ka soo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here