Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Qabatay Kulan Lagu Dersaayo Intii Hay’addaasi Jirtay Qorshayaashii Iyo Xeerarkii Tayeynta Shaqaalaha Somaliland Ee Qabyoobay & Hirgelinta Kuwa Gacanta Lagu Hayo

0
1494

Hargeysa (HargeisaPress) —Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa qabatay kulan lagu furfaynaayey Qorshayaashii hore iyo kuwa hada la hindisay ee shaqaalaha dawladda lagu tayeynaayo wixii qabyoobay sababta keentay iyo hindisayaasha gacanta lagu hayo sida loo hirgelin karo hada.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo kulankan furay, waxa kulankan  qastigiisu ahaa Tayeynta Shaqaalaha dawladda Somaliland ka soo qaybgalay Khabiiro iyo shaqaalihii waayo araga iyo ruug cadaaga ahaa ee Hay’adda shaqaalaha dawladda tan iyo markii la aasaasay soo maray mudo 20 sanno ka badan, waxaana kulanka lagu lafo guray  dabar iyo dedaal wixii qabyeeyey qorshe walba oo horay laysugu dayey in lagu tiriyo laguna tayeeyo shaqaalaha dawladda iyo qorshayaasha hada gacanta lagu hayo ee siyaasadda shaqaalaha dawladda sidii loo fulinlahaa ee ugu suurto galsan.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo tafaasiil ka bixiyey qoraal uu kulankaasi iyo u jeedada laga leeyahay ka soo saaray waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan.

Qorshe walba wixii Qabyeeyey iyo Qaabaynta hawl Qabadka soo socda.

– Waxaanu maanta qabanay kulan xaal iyo xog ogaansho ah oo ruug caddaagii hore ee hay’adda shaqaalaha dawladu xusayeen dabar iyo dedaal wixii qabyeeyey qorshe walba oo horay la isugu dayey in la tiriyo lana tayeeyo shaqaalaha dawladda JSL

 

– Waxaa la isla gartay in:

 Gaabis Xirfadeed “Lack of experts” ,

 Gaadiid la’aan “Lack of Vehicles” ,

 Shaqaale aan jirin ama gododleyn bartay “Ghost Workers”

 Diiwaangelin la’aan rasmi ah “Lack of Biological Registration”

ay keentay in la heli waayo xog sugan oo lagu qiyaas iyo qorshe qaadan karo.

– Waxaanu isla meel dhignay in aanu ka gaashaamano wax walba oo iska-caabin iyo cidhiidhi gelin kara shaqadan qaranku wada sugayo.

– Waxaa hubaal ah in shaqadan laga dhaxli doonno shaqaale sugan, shaqo-abuur iyo xog waafi ah oo laga helo xaalada shaqaalaha dawladdu ku sugan yihiin.

– Waxaanu si wanaagsan u qiimaynay Caqabadaha iyo Fursadaha ku gedaaman qabashada shaqadan “SWAT analyzes”

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

Bilow iyo Bismillah.

LEAVE A REPLY