Washigton (Hargeisa Press)- Soomaaliya ayaa dadaal ballaadhan ugu jirta sidii looga dhaafi lahaa ama looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay, waxaana maalmihii ugu danbeeyay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ka soconaya kulamo arintaa ku saabsan.
Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva ayaa ka hadashay kulan magaalada Washongton maalintii shalay ay kula yeelatay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo u horkacyo Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre, waxeyn sheegtay in kulankaasi uu ahaa mid midho dhal ah.
”Waxaan kulan midha dhal ah shalay kula qaatay xarunta dhexe ee IMF ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre oo aan ugu hambalyeeyay dhaqan galinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib u-habeynta dhaqaalaha iyadoo ay jireen caqabado badan”ayay tidhi Kristalina.
Warka ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisal Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta, iyada oo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhammeystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen.
Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxaa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC).
“Joogteynta shaqo wanaagga xooggan oo ay la jirto taageerada saaxiibada caalamiga ah waxa ay waddada u xaadheysaa Soomaaliya in deynta laga nadiifiyo mustaqbalka dhaw.
Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisal Wasaaraha in IMF ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada Soomaaliya ee deyn cafinta oo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka maaliyadeed ee muhiimka u ah deyn cafinta IMF iyo daboolidda kharashaadka ku baxaya deyn cafinta”, ayaa sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaallada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Soomaaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay si ay ugu furmaan albaabbada hey’adaha dhaqaalaha adduunka.
Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.