Hay’adda ICAO oo Nairobi Ku Qabanaysa Shir Lagu Qiimaynayo Maamulka Hawada Soomaaliya

0
821

Nairobi (Hargeisa Press)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista ee  ICAO ee hore gacanta ugu haysay maamulka Hawada ee Soomaalida balse dhawaan ku wareejisay dawladda Soomaaliya ayaa 13ka bishan magaalada Nairobi ku qabanaysa shir lagu qiimaynayo mudadii ay dawladda Soomaaliya gacanta ku haysay maamulka hawada.

Warar xogogaal ah ayaa xaqiijiyay in shirkan ka dhacaya Nairobi 13 January lagu qiimayn doono mudadii ay dawladda Soomaaliya gacanta ku haysay iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Si rasmi ah looma oga in shirkan lagu casuumay dawlada Somaliland amaba ay ka war qabto, laakiin arrimaha shirkan dawladda Soomaaliya wax lagaga weydiin doono waxa la filayaa inuu ka mid yahay  Somaliland oo ku gacan saydhay dawladda Soomaaliya inay maamusho hawada Somaliland.

Waxa kale oo dawladda Soomaaliya la weydiin doonaa sharciga duulista rayidka ah oo ka mid ah qodobadii ay dawladda Muqdisho saxeexday inay soo diyaarin doonto mudada loo qabtay oo bishan ku eeg, waxaana xeerkaas ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo aanay weli ansixin aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa aaminsan haddii ay ku guuldaraysato qiimaynta ICAO, inay suurtogal tahay in dib ay Qaramada Midoobay ula noqon karto  maamulka hawada.

Dawladda Somaliland ayaan ka hadal shirkan iyo in lagu martiqaaday, laakiin dad khubaro ah oo arrimahan la socda ayaa tilmaamay inaan Somaliland wax dan ahi ugu jirin shirkaas, islamarkaana aanay haboonayn inay ka qayb gasho xataa haddii lagu casuumay, maadaama oo lala xisaabtamayo dawladda Soomaaliya.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here