Hay’adda Duulista Somaliland oo heshiis la saxeexatay Shirkad laga-leeyahay dalka Serbia

0
1068

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, ayaa waxaa ay maanta heshiis rasmi ah oo isfaham la gashay Shirkad caalami ah oo lagu magacaabo Air Tolerance Professional oo fadhigeedu yahay dalka Serbia.

Heshiiskan oo isfahankiisu hore u dhacay, oo si rasmi ah loo dhamaystiray maanta, ayaa la xidhiidha tobabarada iyo dayactirka diyaaradaha, kaasi oo uu yeelan doono Machad-ka duulista Somaliland, iyadoo lagu tabobarayo dhalinyarada Somaliland.

Munaasibad ay labada dhinac ku kala saxeexanayeen heshiiska caalamiga ah, ayaa ka dhacay xarunta guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi Aaden oo ugu horeyn madasha heshiiska hadal ka jeediyay, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiskan iyo ahmiyada uu u leeyahay dalka Somaliland.

Waxanu hoosta ka xariiqay hindisaha iyo asaaska Machadka Duulista Somaliland, kaasi oo ka koobnaan doona laba qaybood oo kala ah qaybta tobabarada aqoonta Aviation-ka iyo qaybta barashada Pilot-nimada oo ay ka faa’ideysan doonaan dhalinyarada reer Somaliland.

Mareeyaha, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ay diyaar yihiin diyaaradihii loogu talo galay barashada Pilot-nimada, waxaanu Maareeyuhu uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland hindisaha asaaska Machad-ka Duulista Somaliland oo uu isagu lahaa aragtida iyo hamiga in la helo dugsi lagu barto Pilot-nimada.

Sidoo kale, Maareeyuhu waxa uu uga mahad celiyay shirkada Air Tolerance Professional sida wanaagsan ee ay u wada shaqeeyeen mudadii sanadka ahayd ee uu socday mashruucan lagu asaasayay Machad-ka Duulista Somaliland.

Dhanka kale, waxaa isna ka hadlay madashaasi Maamulaha Shirkadda Air Tolerance Professional Mirghani Hammed, isagoona Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland uga mahad celiyay sidii ay u so dhaweysay iyo sidii ay u hirgelisay hindisaha Machadka.

Waxanu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay tobabaraan dhalinyarada reer Somaliland ah, shirkad ahaana ay siin doonaan tobobar la mid ah kuwa reer Yurub oo leh shahaado caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here