Hawlgalo lagu baadi-goobayo Nin looga shakisan yahay inay badda Berbera liqday

0
1763

Berbera (Hargeisa Press)- Laamaha amaanka ee magaalada Berbera, ayaa waxaa ay caawa bilaabeen howlgalo lagu baadi goobayo Nin galay badda oo la laayahay.

Ninkan oo lagu magacaabo Naasir Axmed Xuseen, ayay laamaha amaanka ee magaalada Berbera ay sheegeen in uu badda galay maanta, kadib markii uu debaal u galay.

Laamaha amaanka magaalada Berbera, ayaa waxaa ay sheegeen in xeeliga badda laga helay Gaadhi uu watay Ninkaasi, oo ay saarnaayeen Dharkii uu xidhnaa, Mobile, iyo Kabihiisii.

Taliyaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil Aamin Maxamed Cabdi oo ku sugan xeeliga badda, ayaa ka warbixiyay Ninkan badda galay ee la laayahay.

Taliyaha, ayaa sheegay in Ninkaasi looga shakisan yahay in ay baddu liqday isla-markaana aanay hayn xog ku saabsan inay baddu liqday iyo meydkiisaba.

Sidoo kale boqolaal qof, ayaa caawa ku sugan xeelliga Xeebta Berbera, kuwaas oo baadi-goob ugu jira sidii nolol ama geeri loo heli lahaa ninkaasi.

Dhacdadan, ayaa ku soo beegmaysa kadib markii xeebta Batalaale ee badda Berbera ay Jimcihii ku geeriyoodeen laba dhalinyaro ah, ka dib markii ay baddu liqday.

Labada dhallinyarada ah, ayaa ka yimid magaalada Hargeysa, waxaana lagu kala magacaabi jiray Maxamuud Qoor-seef iyo Cabdiraxmaan Janaale.

Shilkaasi, waxaa sidoo kale ka badbaaday wiil kale oo ka mid ahaa asxaabta labada dhallinyarada ah ee badu liqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here