Hawl-wadeenno Ka Socda UNDP iyo IGAD oo Daraasad Ka Sameynaya Somaliland

0
1717

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda horrumarinta Beeraha Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa waxaa uu kulan balaadhan la qaatay Hawl-wadeeno ka kala oo socday Hay’addaha UNDP, ICPAC iyo IGAD.

Hawl-wadeennadan, ayaa waxaa ay Somaliland u yimaadeen sidii ay u samayn lahaayeen deraasad ku saabsan adkaysiga dhinaca nolosha ee ay abaaruhu ku yeesheen nolosha bulshada ku nool deegaamada Somaliland, gaar ahaan degmada Sallaxley iyo deegaano ka tirsan gobolka Gabiley.

Sidoo kale, deraasaddan, ayaa waxaa si siman looga sameynayaa waddamada Somaliland, Kenya iyo Itoobiya.

Hawl-wadeennada ka socda UNDP, ICPAC iyo IGAD, ayaa hore ula kulmay Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddelka Cimilada Somaliland,  Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare.

Geesta kale, hawl-wadeennadan, ayaa kormeer ku tegay deegaano ay ka sameeyeen Cilmi-baadhis, halka ay bixiyeen Tababbarro arrintaas la xidhiidha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here