Wasaaradda Gaadiidka oo go’aamo kasoo saartay Gaadiidka Dowladda, xilliga xil-wareejinta

0
1147

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta go’aamo ka soo saartay gaadiidka dowlada xilliga lagu guda jiro muddada xil wareejinta, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka wasaaradda Gaadiidka.

War-saxaafadeedka, ayaa waxaa lagu faray dhamaan masuuliyiinta Wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha xukuumadda in gaadiidka dowladda lagu xidho taarikada gaadiidka dowladda.

Waxaa bayaanka lagu sheegay inay reeban tahay in la arko gaadiid dowladeed oo ku socda nember gaar ah (private number).

Cidii lagu arko iyadoo gaadiidka dowladda ku isticmaalaysa nember gaar ah, ayaa laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka, ayaa waxaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka lagu faray inuu sameeyo guddi farsamo oo kormeer iyo qiimeyn ku samaysa gaadiidka dowladda, inta lagu jiro marxaladda xil-wareejinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here