Hargeysa,(HargeisaPress)– Madasha Indheer Garadka Soomaalinad Oo Maanta lagaga dhawaaqay madal kulmisay siyaasiyiinta Somaliland iyo sababta isu keentay.
WAR SAXAFDEED
MADASHA INDHEER GARADKA SOMALILAND
(SOMALILAND INTELLECTUAL FORUM-SLIF)
12th May 2025
1. KA DIB MARKAANU ARAGNAY: Qoqobka iyo qabyaalada kusoo kordhaaya shacabkeena Rer Somaliland iyo kala qayb sanaanta madaxda dhaqankeenii iyo guud ahaanba shacabka Somaliland LOONA baahanyahay in laga yeesho TALO MIDAYSAN
2. KA DIB MARKAANU ARAGNAY: Cadawga dadkeena iyo dalkeena ku xeeran LOONA baahanyahay in lagu waajaho MIDNIMO QARAN.
Waxaanu Go’aansanay in aanu ASAASNO Madal ay ku bahoobeen Siyaasiyiin Aqoonyahanno iyo Waxgarad Reer Somaliland ah taariikhdu markay 6th of May 2025.
Madashan waxaanu ku magacaabnay Madasha Indheer- Garadka Somaliland (Somaliland Intellectual Forum- SLIF) oo saldhigeeedu Yahay Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargaysa Waxaanay kakoobantahay dhammaan bulshawaynta reer Soomaliland meelkastoo ay joogaanba.
1. Madasha Indheer- Garadka Somaliland:
• Waa Madal Aqooneed iyo Dood is waydaarsi.
• Waa Madal Kulmisay Waayeel iyo Waxgarad
• Waa Madal ka shaqaynnaysa Midnimada iyo wadajirka Jamahuriyadda Somaliland.
• Waa Madal kashaqaynaysa Ilaalinta dhaqankeena iyo diinteena Suuban.
UJEEDOOYINKA IYO SHAQIOOYINKA
MADASHA INDHEER-GARADKA SOMALIALND
1. Madasha Indheer-Garadka Somaliland waxay isu keenaysaa aqoonyahnno, Hal abuur iyo khubaro ku xeeldheer maaraynta aqoonta si ay u abuuraan dood wadaag aqooneed,taasoo abuuri karta horumar dhaqan dhaqaale.
2. Madashu Indheer-Garadka Somaliland waxay kala shaqayn doontaa dawladda Somaliland sidii loo heli lahaa bulsho reer Somaaliland oo kafayow qabyaalad iyo kala qoqobka Beelaha wada dega Somaliland si ay ugu wada noolaadaa nabad, xasilooni, cadalaad iyo karaamo”
3. Madashu waxay ka shaqayn doontaa kobcinta wacyiga Siyaasiga ah si loo helo ujeedo iyo dadaalo midaysan oo lagu furdaaminaayo mushkiladaha dhaqan iyo siyaasadeed.
4. Madashu waxay dardar gelin doontaa dedaalada loogu jiro xaqiijinta Aqoonsi IYO ICTIRAAF RAADINTA.
5. Madashu Waxay hindisi doontaa barnaamijyo waxtar u leh Bulsha waynta Somaliland..
6. Madashu waxay dhiiri gelin doontaa dhalinyarada si ay uga qayb qaataan horumarka dadka iyo dalka.
7. Madashu waxay qaban doontaa martina gelin doontaana Aqoon is Waydaarsi iyo Cilmi Baadhhis si loo kobciyo aqoonta iyo Hal abuurnimada shacabka Somaliland.
8. Madashu waxay u doodi doontaa sinaanta, cadaaladda iyo Midnimada Bulshada Somaliland.
WA BILAAHI TAWFIIQ
ALLAA MAHADLE
MADASHA INDHEER GARADKA SOMALILAND