Hargeysa, (HargeisaPress) —Iyadoo uu markii sadexaad uu fashi ku soo dhamaaday wada haddalkii ay u dhexeeyay Xukuumadda Iyo labada Xisbi mucaarad ee lagaga wada hadlayey Khilaafkii ka dhashay muddo-kordhinta ay golahaa guurtidu u sameeyeen Xukuumadda Iyo wakiilada, ayaa waxa soo baxay sababta uu wada haddalkii maanta u socday Xukuumadda Iyo Mucaaradka ugu soo dhammaday xal la’aan.
Ergadii Xukuumadda u ka soctay ayaa noqday qaar aan go’aan qaadasho lahayn, ka dib markii la isku afgartay heshii ay saddexda Xisbi Iyo Xukuumaddu isla meel dhigeen, ayaa ergadii Xukuumadda Iyo Xisbigeeda KULIMYE ka socotay ay go’aan qaadasho yeelan waayeen, Waxaanay ka codsadeen labada xisbi in mudo laba cisho ah la siiyo si ay ugu noqdaan Madaxtooyada iyo kooxaha ay taladu ka godo, balse dalbkooda ayaa waxa ku gacan saydhi ergadii ka soctay Xibiga WADDANI,waxaanay u sheegeen in aanay siinay hal maalin oo dheeri ah,lakiin se ergadii xisbiga WADDANI u metalaysay ayaa u sheegay tiimkii ka socday Xukuumadda Inay ku noqdaan Madaxtooyada oo labada Saacadood war-buuxa la soo noqdaan,ama ay telefoon ugu sheegan cida ay taladu kaga godo waxa la isla qaatay oo ay lahad laan.
Isku soo wada duubo ergadii ay Xukuumadda u igmatay inay uga qayb-gaalaan wada haddalada u dhexeeyay Xukuumadda Iyo mucaaradka ayaa noqday qaar aan go’aan qaadasho lahayn,isla markaan aan markii horeba miiska la soo fadhiisay wax aan ahayn go’aankii Guurtida iyagoo markii dambena halkii la isku yimi ka go’aan qaadan kari waayey, waxaanay muujiyeen inay cid kale taladu ka godo.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com