Hargaysa (HP): Xubno ka mid aha golaha wasiirradda Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta maaraynta xogta dhulka iyo biyaha oo laga hirgelinayo xarunta wasaaradda deegaanka ee maagaladda Hargaysa.
Xaruntani oo noqonaysa tii u horaysay oo nooceedda ah ee samiland laga hirgeliyo waxaa wada isticmaali doona wasaarradaha deegaanka, biyaha, beerraha, qorshaynta, wasaaradda xanaanadda xoolaha, iyo haayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka.
Waxaana dhagax dhiga xaruntaasi ka soo qayb galay wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, wasiirradda wasaarradaha qorshaynta, biyaha beerraha, wasiir ku-xigeenka xanaanadda xoolaha, iyo guddoomiyaha haayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka.
Sidoo kale waxaa madashaasi ka soo qayb galay wasirka hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta, masuuliyiin ka socday qaar ka mida haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa qaramadda midoobay ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda deegaanka iyo horumarinta Somaliland.
Muhiimadda ugu weyn ee ay xaruntani qaranka u qabanayso ayaa ah in shanta wasaarradood ee wada jirka u maamulayaa ay ururiyaan xogta la xidhiidha maaraynta xogta dhulka iyo biyaha, taasoo ay markii hore ururin jirtay haayadda qaramadda midoobay ee FOA.
Xaruntan maaraynta xogta dhulka iyo biyaha Somaliland ee maanta la dhagax dhigay waxaa hirgelinteedda maalgelinaya ururka midawga Yurub, iyo haayadda qaramadda midoobay u qaabilsan cuntadda iyo beeraha ee FOA.
Hirgelinta xaruntani maaraynta xogta dhulka iyo biyaha ayaa shaqadda ugu weyn ee ay qaban doontaa ka kooban tahay laba arrimood.
Kuwaasoo ay ka mid tahay in daraasado laga sameeyo dhulkeenu Juquraafi ahaan sida uu u kala duwan yahay, iyo sida uu u kala manfac roon yahay, iyadoo soo saari doonta daraasado ku qotoma arrimahaasi.
Sida ay sheegtay wasiirka deegaanka iyo horumarinta Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay munaasibadii dhagax dhiga xaruntaasi.
Daawo: Hadalka Wasiir Shukri Baandare:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.