Maxkamadda ICJ Oo Soomaaliya U Xukuntay Badda Ay Ku Muransanaayeen Kenya

0
393

Hague (HP):  Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa maanta u xukuntay dawladda Soomaaliya inta badan Badda ay mudadda dheer ku muransanaayeen dawladda Kenya.

Labadda wadan ayaa wada sheeganayay aagg Baddeed ku yaalla baddweynta Hindiya oo ay qiyaasta cabirkiisu gaadhayso 160,000 KM oo laba jibaaran.

Xukunkan ay maanta ku dhawaaqday maxkamadda ICJ ayaa go’aaminaya cidda leh xuquuqda ka faa’iidaysiga kaydka Saliidda iyo Gaaska ee la sheegay inuu aagaasi ku jiro.

Soomaaliya ayaa maxkamadda ICJ dacwadda arrinkaasi gaysay sanadkii 2014-kii, kadib markii ay labadda wadan ee Kenya iyo Soomaaliya ku guul daraysteen in ay xalistaan khilaafkoodda.

Jimcihii ina dhaafay ayaa dawladda Kenya waxay sheegtay in ay qaadacayso, isla markaana ka bxday gebi ahaanba kiiskaasi ka socday maxkamadda ICJ.

Iyadoo sidoo kalena hore u diiday in ay ka qayb gasho dhegaysi la xidhiidha dacwadda muran Badeedkaasi oo dhacay bishii March ee sanadkan.

Haweenayadda madaxweynaha ka ah maxkamadda ICJ oo xukunka maanta ku dhawaaqday, waxay tidhi, “Maxkamadu waxay u aragtaa in cadaynta soohdinta Badda, ay u maahan tahay wax ka badan muujinta muranka Shiidaalka, ee mudadda dheer soo jiray ama arrimaha la xidhiidha Saliidda.

Maxkamadu waxay u aragtaa wadahadaladda kale ee u dhexeeyay labadda dhinac, sanadihii 1979-kii iyo 2014-kii, cadayn uma noqonayaan in ay Soomaaliya aqbashay, xariiqda Badda ee dad-ban.

Ugu danbayntii, maxkamadu waxay cadaynaysaa in aan markhaati ama cadayn adag loo haynin, in ay Soomaaliya aqbashay xuduudda Badda, sida ay Kenya ku doodayso. Taasi macnaheedu wuxuu yahay sheegashadda Kenya, waa mid la laalay”.

Geesta kale maxkamada Caalmiga ah ee ICJ waxay diiday doodda ugu weyn ee Kenya oo ku doodaysay inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Dooda labada dal ayaa aheyd Soomaaliya oo mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysan xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

Maxkamadda waxay sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, ee Soomaaliya iyo Kenya sida ka muuqata xariiqda cusub, inta badan dhul badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday waxaana loo xukumay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee in yar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduudda dhulka, iyadoo dhul badeedka la isku haayay uu dhamaa 100,000 oo isku wareeg oo KM.

Dhinaca kale, xukunkaan ayaa imaanaya xili dawladda Kenya ay horey u sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Waxaana xusid mudan in dawladda Kenya ay marar badan ku guul darreystay isku day ay ku doonaysay in wadahadal lagu dhameeyo kiiska dacwada ee kala dhaxeeyay Soomaaliya.

Waxaana ku dhawaaqidda go’aanka maxkamadda ICJ goob joog ka ahaa wefti ka socda dawladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here