Hargaysa: Wax Ka Bedel Lagu Samaynayo Xeerka Ilaalin Kaymaha iyo Duur joogta JSL

0
197

Hargaysa (HP): Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL ayaa magaaladda Hargaysa ku qabatay kulan la xidhiidha sidii dib u eegis loogu samayn lahaa Xeerka Ilaalin Kaymaha iyo Duur joogta.

Shirkani ayaa qayb ka ah kulamo hore loo soo qabtay oo ku saabsanaa sidii dib u eegis iyo wax ka bedel loogu samayn lahaa xeerka ilaalinta Kaymaha, iyo Duur joogta.

Xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta Somaliland ayaa ah mid hore u jiray, isla markaana ay ansixiyeen dhamaanba haadayaha sharci dejinta iyo madaxweynuhu ba.

Hase yeeshee waxaa dhawrkii sanadood u danbeeyay ay wasaaradda Deegaanka Somaliland oo kaashanaysa haayadda Cheatah Conservation Fun, ayaa ku hawlanaa sidii xeerkaasi wax ka bedel loogu samayn lahaa.

Waxaana ka soo qayb qaatay hawlaha wax ka bedelka xeerkaasi Unuga Denbiyada laga gallo Deegaanka iyo Duur joogta, kaas oo ay ku jiraan qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin wasaaradda Deegaanka, wasaaradda Arrimaha Gudaha, Bahda Garsoorka, qaybo kala duwan oo ka tirsan ciidamadda.

Shirkan oo socday muddo hal maalin ah ayaa lagu sheegay inuu yahay kulankii u danbeeyay ee lagu lafo-gurayo dib u eegista mudadda lagu soo waday xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta.

Waxaana shirkani furay Agaasimaha Waaxda Dhirta iyo Daaqa ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Axmed Ibraahin, oo uu wehelinayay agaasimaha waaxda Duur joogta ee wasaaradaasi.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday haayadda CCF oo wasaaradda Deegaanka kala shaqaynaysa wax ka bedelka xeerkani, iyo Unuga Denbiyada laga gallo Deegaanka iyo Duur joogta.

Agaasimaha Waaxda Dhirta iyo Daaqa ee wasaaradda Deegaanka JSL Axmed Ibraahin, oo kulankaasi furay ayaa sheegay in u jeedadu ay tahay sidii dib u eegis loogu samayn lahaa xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta.

Axmed Ibraahin, waxa kaloo uu xusay in dib u habaynta xeerkani ay muddo soo socotay, isla markaana ay iska kaashanayeen wasaaradda Deegaanka JSL, iyo haayadda CCF.

Waxaanu yidhi “Kulankani wuxuu ku saabsan yahay dib u eegista ama wax ka bedelka lagu samaynayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta.

Xeerkan oo dib u habayntiisa muddo lagu hawlanaa waxaa iska kaashanaya wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda, iyo haayadda CCF”.

Sidoo kale agaasimaha waaxda Duur joogta ee wasaaradda Deegaanka Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, ayaa isna tilmaamay in kulankani loo qorsheeyay in dib u habayntii ugu danbaysay lagu sameeyo xeerka ilaalinta Kaymaha, iyo Duur joogta.

“Xeerkani muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland, muddo badan ayaana la soo waday.

Markaa waxaa loogu tallo galay shirkan halka maalin ah in dib loogu eego wixii la doonayo in laga saxo xeerkani”ayuu yidhi C/naasir Xuseen Siciid.

Geesta kale guddoomiyaha Unuga Denbiyada laga gallo Deegaanka iyo Duur joogta, oo isna shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay unug ahaan qayb weyn ka soo qaateen hawlaha dib u eegista xeerkaasi.

Waxaanu yidhi “Waxaanu is la garanay wasaaradda Deegaanka, maadaama Unugu na uu yahay mid muhiim ah oo kooban qaybaha ciidanka, wasaaradda Deegaanka, iyo haayadda Cheatah Conservation Fund, in lagu darro, dib na loo habeeyo xeerkii hore ee jiray, ee ay wasaaradu lahayd, ee ilaalinta duur joogta iyo danbiyadda laga gallo deegaanka”.

“Waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa, maadaama wasaaradda Deegaanka, iyo haayadda CCF, iyo Unuga denbiyada laga gallo Deegaanka iyo Duur joogta ay si aad ah uga hawl galeen sidii xeerkani dib u habayn loogu samayn lahaa, wixii qaldan na loo sixi lahaa”ayuu yidhi guddoomiyaha unuga denbiyada laga gallo Deegaanka iyo Duur joogta.

Dhinaca kale hawlahan wax ka bedelka iyo dib u eegista lagu samaynayo Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur joogta, waxaa Unuga dabiyada laga galo Deegaanka iyo Duur joogta kala shaqaynayay Gar-yaqaano reer Somaliland oo aqoon dheer u leh sharciyada caalamiga.

Sidoo kale haayadda Cheetah Conservation Fund (CCF), ayaa kala qayb qaadatay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL hawlaha lagu dar-dar gelinayo shuruucda Deegaanka iyo Duur jooga.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here